Deeq A. Posted August 19, 2021 Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Maqaahi ku taalay Hotel Jubba ee Muqdisho. Ilo xog-ogaal ah oo ciidanka ka tirsan ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in qaraxa uu ka dhacay maqaaxi ay ku qaxweeyaan ciidanka, tiiyo keentay dhimashada ugu yaraan 5 qof, oo ciidan ku jiraan iyo dhaawac tiro badan. Qofka oo magaciisa qariyey sababo amni ayaa intaas ku daray in uu arkay meydka 3 askari, waxaa kale uu xaqiijyey in ay qaraxa ku dhaawacantay haweeneyda maqaaxida laheyd. Ilaa hadda kama hadlin hey’adaha amniga, ma jirto cid sheegatay. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites