Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo lacag ku dhow 1 Milyan siisay shirkad ay u xirnayd wadada Garowe iyo Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
  • JALAM-XARFO.jpeg?resize=660%2C364&ssl=1Wadada Jalam iyo Xarfo ayaa xirnayd muddo ku dhow 4 sano

Wasaaraadda Maaliyadda Puntland ayaa maanta shirkada Isxilqaan oo ay u xirnay qeyb kamid ah wadada Garowe iyo Gaalkacyo siisay lacag dhan $750.000 oo kamid ah $1,800,000 oo la sheegay in ay tahay kharash shirkadda horay uga galay inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo.

  • FB_IMG_16293833508857003.jpg?resize=720%Lacagta la siiyay Isxilqaan

Sidoo kale Wasaaraadda Maaliyadda ayaa ballan-qaaday in ay bil walba bixiso $150.000 inta harsan lacagta, waxaana madaxda wasaaradda iyo shirkaddu kala sixiixdeen heshiis arrintan la xiriira.

Shirkadda Isxilqaan oo wadada u xirmayd muddo ku dhow 4 sano ayaa hadda banaynaysa, waxaana tartan cusub loo geli doonaa dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo.

Muuqaal: Wasiirka Maaliyadda iyo mid kamid ah madaxda Isxilqaan..

Mashruuca dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo oo maalgelinayay Midowga Yururb oo wakiil u ahayd hay’adda GIZ ee Jarmalka ayaa istaagay 2018, markii uu hareeyay musuqmaasuq.

Balse dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni iyo Midowga Yurub ayaa kawada xaajooday dib u bilaabista mashruuc, iyadoo la isku afgartay in la saxo wixii khaldamay.

Midowga Yurub ayaa hadda mashruuca dhismaha wadada Garowe iyo Gaallacyo u wakiilatay hay’adda UNPOS.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo lacag ku dhow 1 Milyan siisay shirkad ay u xirnayd wadada Garowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this