Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiyaha Taalibaan oo amray in la sii daayi maxaabiista siyaasada u xiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaaamiyaha Daalibaan, Hibatullaahi Akhundzada waxa uu amar ku bixiyey in la sii wada daayo dhamaan Siyaasiyiinta ku xiran Xabsiyada dalkaasi.

Qoraal uu Afhayeenka Daalibaan, Qaari Yuusf Axmedi soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku shaaciyey Amarka uu Hoggaamiyahooda ku bixiyey in la sii daayo Siyasiyiinta xiran, iyadoo Guddoomiyayaasha Goballadda la amray inay si shroud la’aan ah u sii daayaan Maxabiista Siyaasadda ee darajadahoose iyo Xilalka sare hayey.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Maxaabiista la sii daynayo lagu wareejiyo Qoysaskooda maalinta berrito ee Jimcaha ah.

Maleeshiyada Daalibaan waxay bishan 15-dii gudaha u galeen caasimadda dalkaasi ee Kabul, taasi oo soo dedejisay Burburka Dowladdii ay Maraykanka taageerayeen.

PUNTLAND POST

The post Hogaamiyaha Taalibaan oo amray in la sii daayi maxaabiista siyaasada u xiran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this