Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Oo Ku Wacad Furtay Xildhibaannadii Ay Uga Gacan Haadisay Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI Iyo Heshiisyo Ay La Gashay Oo Ay Ka Baxday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ayaa la sheegay inay ku wacad furreen qaar kamid ah Xildhibaannadii ay uga gacan haadiyeen Xisbiga WADDANI iyo UCID,kuwaas oo Xukuumadda KULMIYE ay la gelaysay hesshiisyo kale duwan oo ay ku soo xarro gelinaysay si ay ugu coddeeyeen Musharraxiintii ay du-duucaysay ee shir guddoonka Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada ayaa la sheegay in qaarkood Xukuumadda KULMIYE ay kula heshisay oo ay ku soo xarro gelisay lacago,halka qaarkood-na ay kula heshiisay inay masharriic ka fulaynso degaanadooda iyo qaar muraado kale ay ku xarro-gelaysay,waxaanu qorshuhu ahaa in marka doorashada shir guddoonka Golaha Wakiilladu dhammaato la dhammaystiri doonno mid-walba wixii lagula heshiiyey,haddii ay guulaystaan Musharraxiinta KULMIYE iyo haddii kale-ba,haseyeeshee Xukuumadda KULMIYE ayaa arrintaas la sheegay inay ka baxday,kadib markii ay ku guul-darraysatay shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Dhanka kalene warar xoggo ogaal ah ayaa sheegaya in Xukuumadda KULMIYE ay Xildhibaanno ay Lacago kula heshiisay oo ay wax yar oo fara guud-kood ah u sii laabtay markii hore,kuwaas oo fulliyey iyagu heshiiskii dhankooda oo u coddeeyey Musharraxiintii hadhay ee Xukuumadda ee shir guddoonka Golaha Wakiillada in aanay siin baaqiyaddii Lacagaha ee u hadhay,isla markaana ay meehanaabayaan oo ay Xukuumadda KULMIYE ay dhabarka ujeeddisay

Sidoo kalena Xukuumadda KULMIYE ayaa la sheegay in aanay fullin heshiisyo kale oo ay la gashay Xildhibaannada qaar,waxaana la sheegay in Xildhibaannadii markii ay muraadkeeda ka dhammaysatay ay uga fadhiisatay heshiiskii afka ahaa ee ay la gashay.

Geesta kalene Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda, ayaa la sheegay inay Xildhibaannada ay isku tuur-tuurayaan,isla markaana uu mid-ba ka kale ku riixayo,waxaana xogguhu sheegeen in Xildhibaanno macrado baabuur looga qaaday ay Macradadii markii ay wayeen meel ay baabuurtoodii u raacaan inay ka qadeen Xildhibaannadii la siiyey,kuwaas oo suuqa lugaynaya hadda,isla markaana u qaadan waayey shalay sidii loo soo dhaweynayey iyo maanta waxa ku dhacay,waxaana la sheegay inay qaarkood ay guryahooda ka soo bixi waayeen.

Si kastaba ha-ahaatee Xukuumadda KULMIYE ayaa la sheegay in aanay fullin heshiis-yo kale duwan oo ay ku soo xarro-gelisay dhawr iyo tobban Xildhibaan oo ka soo baxay Xisbiyadda UCID iyo WADDANI,kuwaas oo u coddeeyey Musharraxiintii ay duduucaysay ee shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this