Sign in to follow this  
Deeq A.

Dib-u-curashadii xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta Muqdisho laga xusay

Recommended Posts

Deeq A.   

Bannaan-bax xooggan oo ka dhan ah ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Dibad-baxan waxa abaabulay ehelada iyo qoysaska ay ka soo jeedaan dad lagu eedeeyay in ciidmada AMISOM ay ku dileen magaalada Golweyn ee gobolka Shabeella Hoose.

AMISOM ayaa diiday qirashada dilka dadkan shacabka ahaa, hase ahaatee waxay sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso dhacdan.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay dilka dadkan rayidka ah ayaa sheegay in askartaas sharciga la horkeeni doono, isagoo dhinaca kale xusay inay la xaajoonayaan ehelada dadkii la dilay.

3-19.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Magaalada Muqdisho waxa maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu xusay toban sana guuradii ka soo wareegatay dib u noolaynta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Munaasabaddan waxa ka qayb-galay qaar ka mid ah Madaxda dalka ugu saraysa iyo masuuliyiin ka socda safaaradda Turkiga iyo xubno kale.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiriirkoodii Taariikhiga ahaa dib usoo celiyay July 2011-kii, markii uu Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo markaa ahaa Ra’iisul wasaare.

Xilligaas oo ay gacmaha ka laabatay Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan dalka ka taagnaa abaaro ba’an iyo macaluul galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, wuxuuna mudane Erdogan soo gaarsiiyay dalka sahay gargaar oo kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Dib-u-curashadii xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta Muqdisho laga xusay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this