Sign in to follow this  
Deeq A.

Bannaan-bax ka dhan ah AMISOM oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Bannaan-bax xooggan oo ka dhan ah ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Dibad-baxan waxa abaabulay ehelada iyo qoysaska ay ka soo jeedaan dad lagu eedeeyay in ciidmada AMISOM ay ku dileen magaalada Golweyn ee gobolka Shabeella Hoose.

AMISOM ayaa diiday qirashada dilka dadkan shacabka ahaa, hase ahaatee waxay sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso dhacdan.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay dilka dadkan rayidka ah ayaa sheegay in askartaas sharciga la horkeeni doono, isagoo dhinaca kale xusay inay la xaajoonayaan ehelada dadkii la dilay.

PUNTLAND POST

The post Bannaan-bax ka dhan ah AMISOM oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this