Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Maxamed Ismaaciil Oo Xarriyadiisa Dib U Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga kasii daysay Sheekh Maxammed Sheekh Ismaaciil, oo kamida culimada cilmiga dibiga iyo dawaynta jinka looga danbeeyo, kaasi oo loo xidhay sababo aan la garanayn maalintii Isniinta ee 16 bishan.

Sheekha ayaa sida uu sheegay isaga oo howlo nabadayn ah u jooga gobolka Sanaag ay sirdoonka Somaliland ee gobolka Sanaag ku amreen in uu Hargaysa tago isla markaana halka uu kula kulmi doono cid sugaysa, waxaanu sheekhu ku andacooday in lagu eedeeyay in uu tagay magaalada Badhan in tii uu joogay Sanaag.

Hadaba sheekha ayaa markii uu Hargaysa maalmo joogay  ciidamada danbi baadhistu kasoo xidheen xarun caafimaad oo uu ku leeyahay xaafada Jigjig-yar ee magaalada Hargaysa, kadibna qoyskiisa ayaa muddo maalin ah waysana halka uu ku xidhanyahay sida inan uu sheekhu dhalay warbaahinta u sheegtay.

Sheekha ayaa mar sii horaysay muddo dheer xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug laha falal argagixiso oo ka dhacay gudaha Somaliland, waxana sanadkii 2011 lagu siidaayay cafis uu u fidiyay madaxweyne Silaanyo. Xukuumada Somaliland ayaan wax faah faahin ah ka bixin sababta keentay in markan la xidho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this