Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Oo Magangelyo Siisay Madaxweynihii Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Ashraf Ghani oo markii ugu horeysay khudbad soo jeediyey tan iyo markii uu ka baxsaday waddanka Afghanistan ayaa sheegay inuu isaga baxay Kabul si halkaasi uusan uga dhicin dagaal uu dhiig badan ku daato.

Madaxweynihii xukunka laga tuuray ayaa dhinaca kale beeniyey warar sheegaya inuu hore usii qaatay boorsooyin ay ka buuxaan lacag, arrintaasi oo uu ku tilmaamay dacaayad lagu sumcad dilayo.

Dhinaca kale kooxda Talibanka ee xukunka Afghanistan la wareegtay ayaa kulan la yeelatay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Hamid Karzai iyo Wasiirkii hore ee arrimaha Dibada Abdullah Abdullah.

Madaxweyne Ghani ayaa sheegay inuu isaga soo dhaweenayo wadahadaladan.

Kooxda Talibanka ayaa sheegtay inay dooneyso inay soo dhisto dowlad loo dhan yahay, isla markaana meesha ka saartay inay dib usoo celin doonaan ficiladii xagjirnimada ahaa oo ay ku xukumi jireen dalkaasi kahor intaan xukunka laga tuurin 2001.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this