Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug iyo Dowlad degaanka DDS oo ka wada-hadlay Amniga xuduudaha

Recommended Posts

Deeq A.   
1-25.jpg?resize=960%2C574&ssl=1

Degaanka Ceel-Habred ee Gobolka Qoraxeey Ayaa waxa ku kulmay Taliayasha Ciidamada Layuu Boliska ee Dowlad degaanka Somalida Iyo Taliyaha Boliska Dagmada Gurceel Dhame Cusmaan Ali Hudey.

Kulan kaan oo ahaa kii ugu horeyay oo ay yeshaan Ciidamada Layuu Boliska iyo Taliska Boliska Dagmada Gurceel ayaa qatay Sacado dhowra waxaana ka soo baxay qodoban Soo Socada.

1 In wada shaqeyn buuxda ay yeshaan labada Ciidan

2 In si wadajira looga shaqeeyo xallinta Belaha walalaha ah ee ku dagalama Xadka uu Gobolkan galgaduud la wadaago Dowlad degaanka .

3 In la iska kaashto qabashada maandooriayaha gaar ahaan qamriga oo ay labada ciidan ka shaqeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadka ka Ganacsada

4 In la is weydaarsado dadka baxsadka ah ee Dabiyada ka gala dhinic kadib na ubaxsada dhinaca kale

Dadka degaanka Ceel Habreed ayaa soo dhaweyay Heshiiskaan waxayna shegeen in ay si dhow ula shaqeynayaan Ciidamada Amaanka

PUNTLAND POST

The post Galmudug iyo Dowlad degaanka DDS oo ka wada-hadlay Amniga xuduudaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this