Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo bilowday in ay shaqaalaha ka saarto Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa billowday inay Afghanistan ka bixiso ilaa 100 shaqaale caalami ah, si ay uga shaqeeyaan Kazakhstan, sida uu sheegay afahayeen u hadlay hay’adda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu carrabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii joogto oo ay taageero gaarsiiso dadka reer Afgaanistaan xilliga ay u baahan yihiin.

 ‘‘Tani waa tallaabo ku -meelgaar ah oo loogu talagalay in Qaramada Midoobay ay awood ugu yeelato inay sii waddo gargaarka ay siiso dadka reer Afgaanistaan, iyadoo isla markaana hoos u dhigaysa halista shaqaalaha Qaramada Midoobay’’, ayuu yiri Durjarric.

Qaramada Midoobay, ayaa Afghanistan waxaa ka jooga ku dhawaad 300 oo shaqaale caalami ah iyo 3,000 oo shaqaale reer Afgaanistaan ah.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo bilowday in ay shaqaalaha ka saarto Afghanistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this