Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Imaaraatiga oo magan-gelyo siisay Ashraf Ghani

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Imaaraatiga Carbeed, ayaa magangelyo siisay madaxweynihii baxsaday ee waddanka Afghanistan, Ashraf Ghani.

War kooban oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa lagu sheegay in magan-gelinta Ashraf Ghani ay la xiriirto arrimo banii’aadanimo.

Madaxweyne Ghani, ayaa todobaadkan ka cararay dalkiisa, kadib markii ay caasimadda Kabul la wareegeen ururka Taliban.

Wuxuu sheegay in uu dalka uga baxay, si looga taxaddaro in aan qalalaase ka dhicin waddanka islamarkaana looga baaqsado dhiig daata.

PUNTLAND POST

The post Dowlada Imaaraatiga oo magan-gelyo siisay Ashraf Ghani appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this