Sign in to follow this  
Deeq A.

Dib u dhac ku yimid Shirkii arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Rooble-1.jpg?resize=512%2C292&ssl=1

Waxa dib u dhac ku yimid shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo maanta loo ballansanaa in uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Shirka waxa ku ballansanaa madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo uu weheliyo maamulka gobolka Banaadir.

Ajandaha shirka ayaa lagu sheegay diyaarinta habraaca doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka iyo sidoo kale raadinta dhaqaalaha ka dhiman hirgelinta doorashooyinkaas.

Sida wararku sheegayaan dib u dhaca waxa keenay Ra’iisul wasaare Rooble oo safar ku maqan iyo madaxda dowlad goboleedyada oo aan weli tegin Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Dib u dhac ku yimid Shirkii arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this