Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiir shaaciyey in M/weynaha Afghanistan Ashraf Ghani inuu ula baxsaday Dubai 169 Milyan oo Doollar

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiir shaaciyey in M/weynaha Afghanistan Ashraf Ghani inuu ula baxsaday Dubai 169 Milyan oo Doollar

ahsraf.jpg

Waxaan goor dhow sheegnay in madaxweyne Ashraf Ghani la xaqiijiyay inuu ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta kadib markii uu ka cararay Kabul.

Dhanka kale, safiirka Afghanistan u fadhiya Tajikstan ayaa ku eedeeyay inuu Ghani watay ku dhawaad 169 milyan oo doollar markii uu baxay Axaddii.

Wuxuu ku tilmaamay duulimaadkii Madaxweyne Ghani “khiyaano dalka iyo qarankaba uu ku sameeyay.

Danjire Mohammad Zahir Aghbar, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay safaaradda Afghanistan ay ku leedahay caasimadda Tajikstan ee Dushanb.

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaraddu damacsan tahay inay u aqoonsato ku -xigeenkii hore ee Ghani Amrullah Saleh inuu noqdo ku -simaha madaxweynaha Afghanistan.

Farriin maqal ah oo xalay laga sii daayay BBC-da, ayuu Mr Saleh ku andacooday inuu yahay “madaxweynaha kumeel-gaarka ee sharciga ah ee Afghanistan” isagoona ballanqaaday in “dagaalka uusan weli dhammaan’’.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this