Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Dib U Cusboonaysiiyay Amar Uu Hore U Soo Saaray Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddida bilicda Somaliland, ayaa dib u cusboonaysiiyay amar uu sanadkii 2015 madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxammed Maxamuud (Siilaanyo) Somaliland kaga mamnuucay isticmaalka bacda.

Wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire, oo u hadlay gudida bilicda, ayaa ku dhawaaqay in dib loo qadhan galin doono amarkii uu madaxweyne Siilaanyo ku mamnuucay isticmaalka bacda noocyadeeda kala duwan ee loo isticmaalo in alaabada lagu qaato.

“Kulan aanu yeelanay waxa kasoo baxay in la dhaqan galiyo oo la dar dar galiyo digreetadii uu 2015 soo saaray madaxweynihii hore ee Somaliland ee mamnuucaysay isticmaalka bacaha, in cidii lagu qabto ku xad gudubka sharcigaa sharciga la mariyo, in lagu wargaliyo dadka ka ganacsada in xeerkan la dhaqan galin doono maanta oo bishu 18 tahay” ayuu yidhi.

Isticmaalka bacda ayaa Somaliland digreeto madaxweyne lagaga mamnuucay sanadkii 2015, xiligaas oo xukuumadii Siilaanyo qaaday dagaal ka dhah ah bacda, balse mudo kooban kadib fashil ayaa ku yimid oo muu noqon go’aan sii shaqeeya, maanta ayaa markale dib loo cusboonaysiiyay dagaalka ka dhan ka ah bacda, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this