Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Oo Daah-Furay Xarunta Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyada

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Oo Daah-Furay Xarunta Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyada
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray xarunta barashada dastuurka iyo waddaniyada Jamhuuriyada Somaliland oo ay aas-aastay wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurku.
Munaasibadaa ballaadhan ee daahfurka Xarunta Barashada Dastuurka iyo waddaniyadda waxa kasoo qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiiradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka, badi aqoonyahanka iyo waxgaradka Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxda Jaamacadaha dalka, ururada bulshada rayidka ah, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn waxa sharaxaad guud ka bixiyey xaruntani lagu baran doono dastuurka iyo waddaniyada agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf.
Waxaana hadalka iskaga dambeeyey Drs Edna Aden Ismaaciil, Gudoomiyaha dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan Warsame iyagoo dhammaantood tilmaamay ahmiyadda ay xaruntani Qaranka u leedahay.
Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, mudane Maxamed Kaahin Axmed, Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, mudane Mustafe Cali Bille, Cadaaladda, mudane Saleebaan Warsame guuleed, Macdanta iyo Tamarta, mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, waxaanay soo dhaweeyeen muhiimada ay xarruntani u leedahay qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo munaasibada ka hadlay ayaa tilmaamay marxaladihii kala duwanaa ee xaruntani soo martay waxaanu hoosta ka xariiqay qorshaha mustaqbalka ee xaruntani hiigsanayso.
Gebo-gebadii iyo Gunaanadkii waxa madashani soo xidhay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ku amaanay wasiirka iyo wasaaradda ka *****nta ujeedooyinkii loo aas-aasay wasaaradda, sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku booriyey bulsho weynta Somaliland Barashada Dastuurka iyo wadaniyadda.
230501657_4183937808386707_1010480177743
229826375_4183937721720049_3833331670257
229847943_4183938075053347_4050131860395

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this