Sign in to follow this  
Deeq A.

Hotel Dhammaan Shaqaalihii Dumarka ahaa  ka yaaceen markii Taalibaan u cunto doonteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Hotel Dhammaan Shaqaalihii Dumarka ahaa  ka yaaceen markii Taalibaan u cunto doonteen

Taliban oo ku sugan Kaabul
Xoogaga Taliban

Iyadoo ay shacabka Afghanistan billaabeen inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda, noolashuna ay si tartiib ah caadi ugu soo laabatay, ayaa waxaa si weyn isu bedalay dhaqamada markii hore caadiga ka ahaa caasimadda Kabul.

Milkiilaha huteel ku yaal caasimadda ayaa BBC u sheegay in 28 kamid ah ciidamada Taliban ay cunno u soo doonteen maqaayaddiisa, taasoo dhalisay in shaqaalaha goobta ay dareemaan cabsi.

“Eeg, waxaan rabnaa in aan xaqiijinno amniga goobtan, cid kastana wey sheegan kartaa in ay tahay Taliban, marka na tusa aqoonsi muujinaya in aad tihiin Taliban si aan u hubino heybtiina,” ayuu ragga hubaysan u sheegay madaxa ilaalada huteelka.

Isfahan kadib, raggii hubeysnaa ayaa gudaha galay, waxaan la siiyay cunnadii taalay maqaayadda oo dhan. Muddo kadib, waxaa raashin soo doontay dadkii huteelka jiifay, balse waxaa loo sheegay in wixii yaallay oo dhan ay dhameysteen Taliban.

“Maalmo ka hor waxa ay ahaayeen cadowgeena, oo waxaan lahayn ilaalo naga difaacda. Maanta se waxa ay ku sugan yihiin huteelka hortiisa oo xitaa iyaga ayaa kala hagaya gaadiidka,” ayuu yiri milkiilaha huteelka oo ka hadlaya Taliban.

Waxa uu intaa raaciyay in dhammaan dumarkii shaqaalaha ka ahaa huteelka, gaar ahaan kuwa ku hawlanaa soo dhaweynta iyo nadaafadda inay guryahoodda joogaan oo ay ka baqayaan Taliban.

“Ragga shaqaalaha ah oo markii hore garka xiiran jiray ayaa timaha deystay oo ma aysan xiiran saddexdii maalmood ee la soo dhaafay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Taliban

Waxa uu sidoo kale sheegay in la joojiyay muusigii laga ciyaari jiray huteelka, oo ay shaqaalihiisa ka taxadarayaan in dhibaato uga timaado arrinkaas.

Lama sheegin wax rabshado ah oo ilaa hadda ka dhacay Kabul tan iyo markii ay la wareegeen Taliban, balse dadka deegaanka ayaa ku warramaya in diyaarado badan oo kuwa ciidanka ah ay isticmaalayaan garoonka caasimadda.

“Waxaa muuqata in tirada dagaalyahannada Taliban ee soo galaya caasimadda ay korortay oo intooda badan ay ka soo galeen dhanka gobolka Logar ee koonfurta uga beegan caasimadda. Inta aan ka arkay waa dad wanaagsan, oo xitaa qaarkood ayaa ku weydiinaya caafimaadkaaga iyo in aad caawin u baahan tahay,” ayuu yiri milkiilaha huteelka.

Shacabka xoogsatada u badan ee Kabul ayaa sheegay in muhiimaddoodu tahay nabad oo aysan wax badan soo kordhineyn cidda maamulka haysan, Taliban ama Maraykan.

Muuqaal aan saxnaashihiisa la xaqiijin oo Talaadadii lagu baahiyay Facebook ayaa muujinaya dumar xijaaban oo dibedbax ka dhigaya caasimadda.

Waxa ay wateen boorar ay ku dalbanayaan in laga qeybgaliyo siyaasadda iyo waxbarashada isla markaana la siiyo xuquuqda ay mudan yihiin. Lama sheegin in dumarkaas la xiray.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this