Sign in to follow this  
Deeq A.

Jarmalka oo Diblumaasi sare u diray Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Jarmalka ayaa u dirtay diblomaasi sare Doha si uu wada hadallo ula yeesho Talibaan si xal loogu helo daad -gureynta caawiyayaasha maxalliga ah ee Afghanistan,

Wasiirka Arrimaha Dibadda Heiko Maas oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri ”Markus Potzel waxaa loo diray caasimadda Qadar si uu u arko bal inay suurtogal tahay in caawiyayaasha Afgaanistaan ​​ee maxalliga ahi ay tagaan garoonka diyaaradaha ee Kabul iyo in kuwa aan u diiwaangelinnay daadgureynta laga dhoofin karo waddanka.”

Boqolaal ka mid ah shaqaalaha Afgaanistaan ​​ee maxalliga ah oo u shaqeynayay militariga Jarmalka, wasaaradaha iyo ururada gargaarka horumarinta ayaa lagu soo waramayaa in Talibaan ay ka hor istaagtay inay galaan garoonka diyaaradaha ee Kabul si ay dalka uga baxaan.

hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay dhankeeda in Berlin wax kasta oo awoodeedda ah samayn doonto si loo samata bixiyo caawiyeyaashii Jarmalka ee reer Afgaanistaan.

PUNTLAND POST

The post Jarmalka oo Diblumaasi sare u diray Qatar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this