Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo dil ku xukuntay askari dilay Arday

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Ciidamada Milateriga Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco xukun dil toogasho ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo 5-tii bishii July 2021 dil ka geystay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Maxkamadda Somaliland ayaa xukunkaas ku riday Cismaan Diiriye Buraale oo ah Askari si bareer ah gudaha Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama ugu dilay Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim oo ka mid ahaa Ardayda.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Milateriga ayaa sheegtay in Cismaan Diiriye uu qirtay inuu dilay Marxuum Ibraahim Cabdishakuur oo Adey ahaa, waxaana Maxkamadeyntiisa oo maalmahan socotay lasoo gaba-geeyay

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo dil ku xukuntay askari dilay Arday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this