Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska oo qaabilaya 20,000 oo Qaxooti Reer Afghanistan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhowaaqday qorshe ay dib u dejin ugu samaynayso 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo ka baxsanaya xukunka Taliban.

UK ayaa sheegtay inay mudnaanta koowaad siin doonto guud ahaan haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay, iyadoo ku sababaysay inay dadkani u nugul yihiin gabbood fallada iyo tacaddiyada ka dhanka ah Aadanaha.

Raiisel wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa u mahad celiyay dhammaan dadkii lasoo shaqeyay 20 kii sano ee ay Afghanistan joogeen, isagoo si gaar ah u xusay Haweenka.

Shanta kun ee ugu hoorreeysa dadka la qaadayo ayaa lagu wadaa in sanadkan gudahiisa lasoo gaba-gabeeyo.

PUNTLAND POST

The post Ingiriiska oo qaabilaya 20,000 oo Qaxooti Reer Afghanistan ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this