Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adaha Amaanka dalka iyo Golaha Nabadda Midowga Afrika oo Shir uga furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
4-15.jpg?resize=696%2C522&ssl=1

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta uu shir uga furmay Madax ka socota Golaha Nabadda Midowga Afrika oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka tirsan  Hay’adaha Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah, Wasiirada Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji,Wasiirka  Cadaaladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka Golaha Midowga Africa, Fiyoona Looran, Madaxa howlaha Nabadda Midowga Afrika, Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM iyo Madaxda Qeybta qorsheynta Howlaha ee Midowga Afrika.

Shirkaan oo socon doona mudo laba maalmood ah  ayaa waxaa diirada lagu saarayaa qiimeyn ay Madaxda Midowga Afrika ku sameeynayaan Hay’addaha amniga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Sooomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, ayaa shirka warbixin ka siiyay dib u dhiska ku socda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay oo ay la galeen maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa dhankiisa Madaxda Golaha Nabadda Midowga Afrika la wadaagay horumarka laga gaaray arrimaha Cadaaladda iyo Garsoorka dalka  iyo waxa ay hiigsanayaan.

Maalinta Berito oo khamiis ah ayaa waxaa la filayaa in la soo geba gabeeyo shirka u dhaxeeyo Madaxda Golaha Nabadda Midowga Afrika & Hay’adaha Amniga dalka.

PUNTLAND POST

The post Hay’adaha Amaanka dalka iyo Golaha Nabadda Midowga Afrika oo Shir uga furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this