Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan oo lagu qabtay howl-gal ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo xalay ciidanka ammaanka dowlada Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Karaan ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu qabtay rag hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galkan lagu soo qabtay illaa saddex nin oo ku hubeysanaa qoray AK47 ah iyo Bistoolado la sheegay inay ku dhibaateynayeen dadka shacabka ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa shaaca ka qaaday in raggan ahaayeen burcad, isla-markaana xilliga lasoo qabanayey ay moobeelada ka dhacayeen dadka rayidka ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in raggan uu ku jiro nin dhowaan dil ka geystay suuqa degmada Kaaraan, waxayna saraakiishu intaasi ku dareen in haatan lagu xiray saldhiga degmadaasi, isla-markaana ay u gudbin doonaan maxkamad, si tallaabo looga qaado.

Habeen hore ayey aheyd markii ciidamada ammaanka ay sidan oo kale Kaaraan ugu qabteen dhalinyaro ku hubeysneyd mindiyo iyo faasyo, isla-markaana dhibaato weyn xilliyada habeenkii ah ku hayey dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha degmadaasi.

Howl-gallada ka socda Muqdisho ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga, waxaana ugu dambeeyey mid culus oo laga fuliyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay labo nin oo la sheegay inay ahaayeen burcad dhac baahsan ka geysaneysay halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan iyo howl-gallada ka billowday caasimada ayaa kusoo aadayo, xilli haatan loo diyaar garoobaya qabashada doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

 

The post Rag hubeysan oo lagu qabtay howl-gal ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this