Sign in to follow this  
Deeq A.

13 Qof Oo U Dhashay Dalka Indonesia Oo Lagu Haysto Gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Hay’adda la socodka kalluumeysiga Indonesia ee loo soo gaabiyo DFW ayaa sheegtay inay heshay ashtako ku saabsan 13 kalluumeysato oo dalkaas u dhashay oo muddo sideed bilood ah lagu haysto Soomaaliya.

Isku xidhaha qaranka ee hay’adda DFW, Abdi Suhufan ayaa sheegay inay dowladda ku wargeliyeen dhacdadan 29-kii June.

“Waxaa jiray dadaallo ay sameysay dowladda Indonesia, hase yeeshee illaa iyo hadda kuma guuleysan inay soo qaado shaqaalahan Indonesian-ka ah ee ku xaniban Soomaaliya,” ayuu Abdi ku yidhi bayaan uu soo saaray Isniintii.

Shaqaalahan ayaa sida uu sheegay u shaqeynayey maraakiib iyo doomo kalluumeysi oo ay leedahay shirkadda Liao Dong Yu, ee dalka Shiinaha. waxay ay haysteen qandaraas hal sanno ah oo kasoo billaamay December 2019, kuna ekaa December 2020.

“Kooxda Shiinaha ayaa kala shaqeysay dhinacyo ku sugan Soomaaliya in dadka ay sii xabisnaadaan oo lagu hayo goob cidlo ah,” ayuu yidhi Abdi, oo intaas ku daray inaan la aqoon halka rasmiga ah ay dadkan kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Abdi ayaa sheegay in dadkan oo xidhiidh lasoo sameeyey ay u sheegeen inay ku sugan yihiin xaalad cabsi, xanuun iyo walaac ah, uuna ka cabsi qaba inay sameeyaan ficillo ay isku dili karaan ama naftooda halis gelin kara.

Waxa uu intaas ku daray in illaa hadda uu dhintay hal qof oo ka mid ah, mid kalena la’ayahay. Abdi ayaa sheegay in dhimashada iyo qofka la la’yahayba ay ka dhaceen doonta ay leedahay shirkadda Shiineeska oo magaceeda iyo lambarkeedu yahay Liao Dong Yu 571.

“Dowladda Indonesia waa inay tallaabo qaadaa, oo ay soo bad-baadisaa, dalkoodana kusoo celisaa 13-kan qof, oo hadda ku sugan Soomaaliya,” ayuu yidhi Abdi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this