Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo Jubaland iyo Al-shabaab ku dhexmaray Jubada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Jubaland iyo dagaallamayaasha Al-shabaab, ayaa ka dhacay degaanka nawaaxiga Baar-sanguuni, oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Wararku waxay sheegayaan, in Ciidamada Jubaland ay weerar xooggan ku qaadeen rag ka tirsan  Al-shabaab oo ku sugnaa aga’gaarka Baar-sanguuni, halkaas oo uu ka dhacay dagaal khasaare gaystay.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray ciidamada Jubaland iyo Al-shabaab, ayaan weli faahfahin dhammaystiran laga helin, iyadoo labada dhinac uusan midna weli ka hadlin dagaalkaas.

Ciidamada Jubaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab, waxay ka wadeen degaanno ka tirsan Gobolkaas Jubada Hoose.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo Jubaland iyo Al-shabaab ku dhexmaray Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this