Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda oo qaadaneysa 2000 oo ka mid ah Qaxootiga reer Afghanistan ee Dalkooda ka yaacaya+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Uganda oo qaadaneysa 2000 oo ka mid ah Qaxootiga reer Afghanistan ee Dalkooda ka yaacaya+Sababta

afganistaan.jpg
Qaxooti reer Afghanistan ah

Uganda ayaa qaadaneysa laba kun oo qaxooti reer Afghanistan ah, ka gadaal markii dagaal yahanada Taliban ay la wareegeen awoodda dalkaasi axaddii.

Kooxda uggu horreysa ee shanta boqol ee reer Afghanstan ah, ayaa la filayay iney soo gaaraan galinka danbe ee maanta oo talaado ah garoonka diyaaradaha Entebbe.

Heshiiska ayaa yimid, kadib markii ay dowladda Mareykanka ka codsatey, sida ay BBC-da u sheegtay wasiirka qaxootiga Uganda, Esther Anyakun.

Dalka Uganda, ayaa leh taariikh dheer, oo ah soo dhoweynta qaxootiga, iyadoo haatan ay hoy siisay ku dhawaad 1.3 milyan oo dad ah, kuwaasoo kasoo cararey dagaallo iyomasiibooyin kalaba.

Dalkan ku yaalla Bariga Africa, ayaa marti galiyay qaxootiga uggu badan ee dal ku yaalla qaaradan magan galyo siiyo, halka uu kaga jiro kaalinta afraad marka la eego dunida.

Qaxootigan cusub ee reer Afghanistan-na, ayaa laga baari doonaa cudurka Covid19, iyadoo lagu karantiili doonno goobo gaar ah, sida ay sheegtay Anyakun.

Dowladda Mareykanka, ayaa lagu wadaa iney bixiso qarashka ku baxaya dhammaan adeegyada loo sameynayo qaxootiga reer Afghanistan ee imanaya dalka Uganda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this