Deeq A. Posted August 18, 2021 Halkay Hubka & Lacagta ka helaan Taalibaan oo la ogaaday Kooxda Taalibaan waxay muddo 20 sano ah dagaal kula jirtay ciidamada dowladda Afghanistan ee taageerada ka heystay militariga Mareykanka iyo xulafadiisa. Dhaqaalaha ku baxayay dowladda Afghanistan waxaa daboolayay Mareykanka, balse waxaa la isweydiinayay halka ay Taalibaan ka hesho kharashka ay muddadaas dheer u adeegsaneysay dagaalka. Waxaa la aaminsan yahay in kooxdan ay dhaqaale badan ka hesho gudaha iyo dibadda – labadaba. Sidoo kale su’aasha kale ee ugu weyn waxay ku qotontaa cidda hubka siiso kooxdan. Intuu la egyahay dhaqaalaha ay hesho Taalibaan? Kooxda Taalibaan waxay horay dalka Afghanistan u xukumayeen intii u dhaxeysay 1996-kii ilaa 2001-dii, xilligaas oo maamulkooda uu ahaa mid si adag u dhaqan galiyay Shareecada Islaamiga ah. Tan iyo markii maamulka laga faromaroojiyay, waxay wadeen iskacaabbin waqti dheer qaadatay, illaa ugu dambeyn ay hadda dib u qabsadeen waddankaas. Inta badan qiyaas kaliya ayaa lagu sheegaa qaabka ay dhaqaalaha u hesho kooxdan sababtoo ah Taalibaan ma shaaciso xogta la xiriirta meesha ay lacagta ka helaan. Balse wareysiyo ay BBC-da la yeelatay khubaro ku sugan guaha iyo dibadda Afghanistan ayaa muujiyay in kooxda ay leedahay shabakad lacag ugu aruurisa qaab aan si weyn loo fahansaneyn. Waxaa kale oo ay aruuriyaan canshuur si loogu bixiyo howlgallada ay fuliyaan. Ilaha ay dhaqaalaha kasoo galaan waxaa ka mid ah iibinta maandooriye ka baxa waddankaas oo dibadda loo dhoofiyo. Ciidamada Mareykanka ayaa sannadihii dambe isku dayayay in ay duqeymo la beegsadaan xarumaha lagu keydiyo maandooriyaha la iibiyo ee la aaminsan yahay in dhaqaalaha uu ka soo galo Taalibaan. Hase yeeshee kharashka soo gala kooxdan ma aha oo kaliya mid ka imaada ganacsiga Opium-ta. Qaramada Midoobay ayaa 2012-kii ka digtay in la qaato fikirka ku aaddan in isha dhaqaale ee ugu muhiimsan Taalibaan ay tahay tan iibinta daroogada. Laga soo billaabo sannadkii 2011-kii, dhaqaalaha sanadlaha ah ee soo gala Taalibaan waxaa lagu qiyaasayay $400m (£316m). Laakiin waxaa la rumeysan yahay inuu aad u kordhay sannadihii ugu dambeeyay, oo uu gaaray ilaa $1.5bn. Daroogada Opium, canshuurta iyo baadda Afghanistan waa waddanka ugu weyn ee soo saara dhirta daroogada ah ee loo yaqaanno “opium”. Waa geedka laga sameeyo daroogada qaaliga ah ee lagu magacaabo heroin. Qiimaha sannad walba kasoo xarooda dhoofinta maandooriyahaas waxaa lagu qiyaasay $1.5 -$3bn. Waa dhir si aad ah looga jecel yahay meelo badan oo ka mid ah dunida. Inkastoo geedkan uu ka baxo meelo ka mid ah magaalooyinka ay gacanta ku heysay dowladda Afghanistan, dhulka uu sida weyn looga beerto waa meelaha ay 20-kii sano ee ugu dambeeyay gacanta ku hayeen xoogagga Taalibaan. Taalibaan waxay jabisay ciidamadii dowladda Afghanistan ee la dagaallamayay Taalibaan waxay lacago kale ku helaan canshuur heerar kala duwan ah oo ay kusoo rogaan shacabka. 10% ka mid ah canshuurtaas waxaa laga qaadaa dadka beerta opium-ka. Canshuurta waxaa laga soo aruuriyaa sheybaarrada opium-ka loogu baddalo daroogada heroin-ta. Sidoo kale waxaa lacagtaas laga qaadaa dadka sida sharci darrada ah maandooriyaha u dhoofiya. Lacagta ay Taalibaan ka heleysay daroogada aan sharciga ahayn waxaa sannad walba lagu qiyaasay $100m-$400m. Xubnaha kooxdan ayaa la sheegay lacago kale ku heli jireen qaab baad ah oo si khasab ah looga qaato dadka ganacsatada ah. Macdan qodista Dalka Afghanistan wuxuu qani ku yahay dhagaxyada qaaliga ah, kuwo badan oo ka mid ahna waxay gacanta ugu jireen dad gaar ah maadaama uu waddanka hareeyay dagaal. Dhaqaalaha ka soo xarooda dhagaxyada qaaliga ah ee Afghanistan waxaa lagu qiyaasay $1bn. Inta badan dhagaxyada waxaa lo qotaa qaab sharci darro ah. Dhgaxyada qaaliga ah ee Afghanistan oo lagu iibinayo Kabul Kooxda Taalibaan waxay maamushaa godad laga qodo macdanta, lacagona waxay ka qaadataa dadka sida sharci darrada ah u qota iyo kuwa sharciga waafaqsan labadaba. Sannadkii 2014-kii, warbixin ay soo saareen kooxda kormeerka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Taalibaan ay sanadkiiba $10m ka helaan 25 ilaa 30 god oo macdanta laga qodo, oo ku yaalla gobolka koonfureed ee Helmand. Maalgalin dibadda ka imaata Saraakiil isugu jira Mareykan iyo Afghaanistaaniyiin ayaa muddo dheer ku eedeynayay dalal gobolka ku yaalla inay dhaqaale ku taageeraan kooxda Taalibaan. Dowladahaas waxaa ka mid ah Pakistan, Iiraan iyo Ruushka, laakiin si joogto ah ayay mar walba u beeniyaan eedeyntaas. Sidoo kale waxaa jiro warbixinno horey loo daabacay oo sheegaya in shaqsiyaad u dhashay Pakistan iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qadar ayaa la aaminsan yahay inay si iskood ah lacago ugu taageeraan kooxda. Inkastoo aysan suuragal ahayn in la ogaado tirada saxda ah ee ay lacagtaas dhan tahay, dadka khubarada ah waxay ku qiyaaseen inay gaari karto ilaa $500m, sanad walba. Xaguu hubka uga imaadaa Taalibaan? Inkastoo taariikh ahaan ay jirtay cadaawad ka dhaxeysay Taalibaan iyo Ruushka, haddana Mareykanka ayaa aaminsan in xukuumadda Moscow ay dhinaca qalabka militariga ka taageerto kooxdan. Ruushka ayaa dhankiisa gaashaanka u daruuray eedeyntaas. Xubnihii asaasay Taliban waxa ay qayb ka ahaayeen Mujaahidiintii la dagaalamayay Midowgii Soofiyeet, 1980-meeyadii. Markii ay Soofiyeetka ka baxeen Afghanistan, Ruushka waxa ay taageero dhaqaale iyo mid militari siin jireen kooxihii ka soo horjeeday Taliban. Balse markii ay Mareykanka soo galeen Afghanistan, ka dib weerarkii 9/11 ka dhacay Mareykanka, waxa ay Taliban arkeen fursad ay Ruushka kula shaqayn karaan. Saraakiil sarsare oo ka tirsan Mareykanka ayaa sheegayay in Moscow ay hub siiso kooxda Taalibaan, sida khubaro ay sheegeen 2018-kii. Gen Nicholson Waraysi ay BBC horay ula yeelatay abaanduulaha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, Gen John Nicholson, wuxuu ku sheegay in eedeynta ku saabsan in Ruushka uu hubeeyo kooxda Taalibaan ay sax tahay. Dad badan oo u kuur gala xaaladdan waxay arrintaas u arkayeen wax u muuqday dagaal qaboow oo mar kale ka dhex taagan Mareykanka iyo Ruushka. Janaraal Nicholson waxa uu shaaca ka qaaday in hubka ay Ruushka siiyaan Taliban ay u sii mariyaan dhanka xuduuda dalka Tajikistan. “Waxa aan haynaa hub la keenay xaruntan taasi oo ay noo soo gacan galiyeen hogaamiyayaasha Afghanistan, waxa ayna noo sheegeen in Ruushka uu siiyay Taliban,” ayuu yiri Gen John Nicholson. Ruushka iyo Taalibaan si kala gooni gooni ah ayay u beeniyeen hadalka hadalka Gen Nicholson uu u sheegay BBC-da, waxay ayna sheegeen in arrintan aan caddeyn loo hayn. Safaarada Ruushka ee Kabul iyo wasaarada arrimaha dibadda ee Ruushka labaduba way beeniyeen sheegashadaas oo ay ku tilmaameen mid aan sal iyo raad toona lahayn. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites