Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka tartanka ciyaaraha Puntland oo lagu wareejiyay Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16292209437166022.jpg?resize=720%



Tartanka ciyaaraha gobolada Puntland oo maalmihii la soo dhaafay uu hareeyay muran iyo is-qabqabsi, ayaa hadda maamulkiisa waxaa lagu wareejiyay Xiriirka Kubbadda Soomaaliya.

In tartanka lagu wareejiyo heer federaal ayaa timid, markii kala diray xiriirkii kubbadda cagta Puntland oo lagu eedeeyay wax isdabamarin, loona baahday cid maamusha tartanka inta ka hartay.

Kulankii muranku ka dhashay ee Nugaal iyo Sanaag oo horey loo go’aamiyay in lagu celiyo ayaa galabta la ciyaaray, waxaana 3-2 guushu ku raacday xulka gobolka Nugaal oo u baxay afar dhamaadka tarkanka.

  • 20210817_205702.jpg?resize=720%2C672&sslBile (Nugaal), mid ka mid ah ciyaartoyda ka dhexmuuqata tartanka

Kabtan xulka Nugaal, Bile Maxamuud Diiriye ayaa ahaa halyeeygii xulkiisa ka caawiyay inay u gudbaan wareega afar dhamaadka, isagoo dhaliyay labo ka mid goolasha.

Baxwal Jirde oo ah kabtanka Sanaag ahna ciyaaryahanka ugu saameynta badan tartanka ayaa isaguna labada gool u dhaliyay xulkiisa, waana gool-dhaliyaha tartanka oo saddex kulan oo ciyaaray wuxuu dhaliyay 7 gool.

  • 20210817_205720.jpg?resize=720%2C627&sslBaxwal Jirde (Sanaag), gool-dhaliya tartanka

Dhanka kale, kulan kale oo galabta dhexmaray xulalka Bari iyo Sool ayaa ku dhamaaday 4-3 oo ay guushu ku gaacday xulka gobolka Bari.

Waxaan weli la hubin Haylaan oo kulan u harsan yahay 6 dhibcoodna leh iyo Bari oo leh 7 dhibcood kii u soo bixi doona afar dhamaadka oo soo raaci Nugaal, Mudug iyo Ceyn oo xaqiiqsatay ka soo bixitaanka heerka bug-baxa ama guruubyada.

PUNTLAND POST

The post Maamulka tartanka ciyaaraha Puntland oo lagu wareejiyay Federaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this