Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey oo qarax lagu dilay iyo Al-Shabaab oo war kasoo saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimaad Online) – Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa galabta u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax lala eegtay gaari uu saarnaa.

Maxamed Abuukar Afrax AUN ayaa waxa xilliga qaraxa uu haleelay gaariga uu saarna uu marayey waaxda Fooriloow oo dhaxeysa degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey, sida ay dad deegaanka u sheegen Caasimada Online.

Geerida guddoomiyihii Garasbaaleey ayaa waxaa xaqiijiyey mas’uuliyiint ka tirsan maamulka deegaankaas, waxaana soo baxaya in uu jiro dhaawac kale oo ka dhashay qaraxa lala eegtay gaariga marxuum Afrax.

Waxay aheyd markii xilka loo magacaabay Afrax 30-kii bishii May, xiligaas oo uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir ku bedelay Guddoomiyihii ka horeeyay oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Garyare oo isaga laftigiisa lagu dilay qarax 21-kii May 2011.

Qaraxaas ayaa waxaa sidoo kale ku geeriyooday laba kamid ah ilaaladiisa oo xiliga uu qaraxu haleelay gaarigiisa la socday guddoomiye Garyare Allaha unaxariiste.

Mas’uuliyada qaraxa uu maanta u geeriyooday guddoomiyaha Garasbaaleey ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, oo ayadu dagaal adag kula jirta mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada.

The post Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey oo qarax lagu dilay iyo Al-Shabaab oo war kasoo saartay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this