Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin:Dhaqaale intee Le’eg ayaa Dawlada Maraykanka kaga baxay dagaalka Talibaan 2001-2009+Lacagta la musuqay & Arimo kale 

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin:Dhaqaale intee Le’eg ayaa Dawlada Maraykanka kaga baxay dagaalka Talibaan 2001-2009+Lacagta la musuqay & Arimo kale

Ciidamada Maraykanka waxay Afghanistan galeen 2001.
Ciidamada Maraykanka waxay Afghanistan galeen 2001.

Kadib ka bixitaankii ciidamada shisheeye ee dalka Afghanistan iyo qabashada Taliban, waxaan eegaynaa kharashka ay Maraykanka iyo xulafadiisa NATO uga baxay hawlgalka milateri ee dalkaas ka socday labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Inta ay gaarsiisan yihiin ciidamada Maraykanka uu u diray Afghanistan?

Maraykanka wuxuu ku duulay Afghanistan bishii Oktoobar 2001 si meesha uu uga saaro ururka Taliban oo gabbaad siinayay hoggaamiyihii Al-Qaacidda Usama Bin Laden iyo hoggaamiyeyaal kale oo lala xiriiriyay weerarkii 9/11.

Tirada ciidamada Maraykanka ayaa korortay sanadihii xigtay, iyadoo ay xukuumadda Washington balaayiin dollar ku bixisay la dagaallanka Taliban, waxaana ay tiradooda gaartay 110,000 oo askari sanadkii 2011.

Sanadkii lasoo dhaafay, 4,000 oo ciidamo ah ayaa Mareykanka kaga sugnaa dalkaas.

Dalal kale oo ay kamid yihiin kuwa xubnaha ka ah NATO ayaa ka qeyb qaatay duulaanka Afghanistan.

Balse Maraykanka ayaa ahaa kan ciidamada ugu badan ay ka joogeen Afghanistan.

NATO ayaa bishii Disembar 2014 si rasmi ah u soo afjartay hawlgalkeeda, balse waxaa dalkaas ka sii joogay 13,000 oo askari oo inta badan tababar siiya ciidamada Afghanistan, qeybna ka qaata hawlaha argagixiso la dagaallanka.

Ciidanka Afghanistan
NATO ayaa tababar siin jirtay ciidamada Afghanistan

Maraykanka waxaa sidoo kale Afghanistan ka joogay tiro kamid ah shirkado qandaraas lagu siiyay arrimaha amniga. Dabayaaqadiii sanadkii 2020 in ka badan 7,800 qof oo Amerikaan ah ayaa ku sugnaa dalkaas, sida lagu xusay daraasad uu sameeyay Koongareeska.

Dhaqaalo intee dhan ayaa la isticmaalay?

Intii u dhexeeysay 2010 ilaa 2012, Maraykanka ciidamadiisa kaga sugnaa Afghanistan waxay gaarayeen in ka badan 100,000, xilliggaaas oo dhaqaalaha ku baxayay uu gaaray 100 bilyan oo dollar sanadkiiba, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka.

Markii ciidamada Maraykanka ay joojiyeen howgalka ka dhanka ah Taliban oo ay usoo jeesteen tababarka ciidamada Afghanistan, waxaa uu hoos dhacay kharashkii ku bixi jiray.

Sanadkii 2018, dhaqaalaha ku baxay howlgalka uu ka waday Afghanistan wuxuu hoos ugu dhacay 45 bilyan oo dollar, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Pentagon-ka Maraykanka.

Sida laga soo xigtay waaxda gaashaandhigga Maraykanka, guud ahaan dhaqaalaha ku baxay Afghanistan laga bilaabo bishii Oktoobar 2001 ilaa September 2019 wuxuu gaaraya $778 bilyan oo dollar.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka iyo hay’adda USAID iyo laamaha kale ee dowladda waxay mashaariicda dib u dhiska dalkaas ku bixiyeen 44 bilyan oo dollar.

Sida laga soo xigtay daraasad sanadkii 2019 ay sameysay jaamacadda Brown University oo si dhaw ula socotay dhaqaalaha ku baxay howlgallada Afghanistan iyo Pakistan, waxaa Maraykanka ka baxay dhaqaale dhan 978 bilyan oo dollar.

Xaguu ku baxay dhaqaalahaas?

Inta badan dhaqaalahaas wuxuu ku baxay howlgallada ka dhanka ah Taliban iyo haqabtirka baahida ciidamada Mareykanka sida cunta, dareeska, caafimaadka iyo mushaaraadka.

Ciidamada Mareykanka waxay ka qeyb qaateen dib u dhiska Afghanistan
Ciidamada Mareykanka waxay ka qeyb qaateen dib u dhiska Afghanistan

Xogta rasmiga ah waxay muujineysaa tan iyo sanadkii 2002 in Maraykanka uu mashaariicda dib u dhiska dalkaas ku isticmaalay 143.27 bilyan oo dollar.

In ka badan kala bar 88.32 bilyan oo dollar ayaa loo isticmaalay maalgelinta ciidamada amniga iyo militeriga Afghanistan.

Ku dhawaad 36 bilyan oo dollar ayaa loo adeegsaday barnaamijyada maamulka iyo horumarinta halka dhaqaale yar loo qoondeeyay la dagaalanka daroogada iyo arrimaha gargaarka.

Ciidamada ammaanka Afghanistan ayaa khasaaro xooggan kala kulmay dagaalka
Ciidamada ammaanka Afghanistan ayaa khasaaro xooggan kala kulmay dagaalka

Qeyb kamid ah lacagaha ayaa la musuq maasuqay.

Warbixin uu soo saaray Koongareeska Mareykanka bishii Oktoobar 2020 ayaa lagu sheegay in waaxda qaabilsan la socodka howlaha gargaarka Afghanistan ay soo gudbisay in ku dhawaad $19 bilayn oo dollar la lunsaday intii u dhexeeysay 2009 ilaa 2019.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka

Tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday Afghanistan 2001, ciidamada Maraykanka waxaa ka dhintay in ka badan 2,300 askari halka uu dhawaac soo gaaray ku dhawaad 20,660 oo askari. UK waxaa dagaalka uga dhintay 450 askari.

Xabaalo

Sidoo kale waxaa dagaalka ku dhintay qaar badan oo kamid ah shacabka iyo ciidamada Afghanistan.

Madaxweyne Ashraf Gahni wuxuu sanadkii 2019 sheegay in ka badan 45,000 oo kamid ah ciidamada Afghanistan la dilay tan iyo intii uu xilka qabtay.

Daraasadda ay sameysay jaamacadda Brown University sanadkii 2019, ayaa muujinaysa in tirada ciidamada Afghanistan ee ku dhimatay tan iyo markii uu bilowday dagaalka ay gaarayaan in ka badan 64,100.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this