Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo kulan la qaadatay danjiraha dowladda Sweden ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa maanta xafiiska ku qaabishay danjiraha dowladda Sweden ee Soomaaliya, Staffan Tillander, ayagoo ka wada hadlay habsami u socodka doorashooyinka gaar ahaan xaqiijinta qoonddada dumar ee 30%.

Danjire Staffan Tillander, oo wakhtigiisa dhammaaday ayaa wasiir Xaniifa ugu mahadcelisay wada shaqeyntiisa muddadii uu ahaa danjiraha Sweden ee Soomaaliya, waxayna u rajaysay mustaqbal wanaagsan ka dib marka uu ku laabto dalkiisa.

Dowladda Sweden ayaa kamid ah dalalka taageera dhismaha dowladnimada Soomaaliya, si gaar ah wasaaradda haweenka iyo safaaradda Sweden waxaa ka dhexeysa wada shaqeyn fiican oo la xiriirta arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadanaha.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo kulan la qaadatay danjiraha dowladda Sweden ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this