Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo lagu eedeeyay in xabsi qarsoodi u samaystay Muslimiinta Uyghurs

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabar dhallinyaro ah oo u dhalatay waddanka Shiinaha ayaa sheegtay in muddo sideed maalmood ah lagu hayey xabsi qarsoodi ah oo Shiinuhu maamulo oo ku yaal Dubai, iyada iyo ugu yaraan laba qof oo Muslimiinta Uyghurs.

Arrintan ayaa noqon karta caddeyntii ugu horreysay ee ah in Shiinuhu uu xabsiyo qarsoodi ah ee uu dadka ku ciqaabo uu ku leeyahay meel ka baxsan xuduudaheeda.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Wu Huan, oo 26 jir ah, ayaa aheyd baxsad, si ay uga fogaato in dib loogu celiyo Shiinaha, maadaama seygeeda ay dowladda Shiinuhu u aqoonsantahay mucaarad ka soo horjeeda xukunkeeda.

Wu, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press in laga afduubtay hoteel ku yaal Dubai, isla markaana saraakiisha Shiinaha ay ku xireen guri villa ah oo loo beddelay xabsi, halkaas oo ay ku aragtay ama ku maqashay laba maxbuus oo kale, oo labaduba Uyghurs ah.

PUNTLAND POST

The post Shiinaha oo lagu eedeeyay in xabsi qarsoodi u samaystay Muslimiinta Uyghurs appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this