Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilaa shan kalluumeysato ah oo ku dhintay xeebaha Gobolka Jubada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay dabaylo xooggan oo ku dhuftay xeebaha Gobolka Jubada Hoose.

Wasiirka Kalluumeysiga Jubaland, Cabbaas Cali Ibraahim ayaa sheegay in dabayshu ay ridday 11 doonyood oo nooca kalluumeysiga ah, kuwaas oo ka jillaabanayay xeebaha Gobolka.

Wasiir Cabbaas ayaa sheegay in shilkaas ay ku dhinteen shan ruux oo kalluumeysato ah, kadib markii ay rogmadeen doonyihii ay wateen dadkaas.

Sidoo kale, wasiirku wuxu tilmaamay in dabayshu burburisay gurya badan oo ku yaalla xaafadda dhanka xeebta xigta ee Calanley (Kismaayo).

Wasiir Cabbaas Cali Ibraahim ayaa ugu baaqay dadka ku nool xeebaha Gobolka Jubada Hoose, in ay taxaddar dheeriya ka muujiyaan dabaylaha xooggan ee ka jira xeebta.


PUNTLAND POST

The post Ilaa shan kalluumeysato ah oo ku dhintay xeebaha Gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this