Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad lagu laayay Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley hubaysan ayaa xalay dad ku laayay degaanka BACDA oo ka tirsan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.

Weerarka waxa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qof oo kala ah nin iyo haweenay, islamarkaana ku dhaawacmeen afar ruux oo kale.

Labada marxuum ayaa magacyadooda lagu sheegay Gallad Xasan Siyaad iyo Raxma Xiirey, waxaana dilkooda lala xiriiriyay xiisad aanooyin qabiil oo ka jirta degaankaas.

Kooxdii weerarka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo ilaa iyo haatan aysan dilkan ka hadlin mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Amniga Gobolka Hiiraan.

PUNTLAND POST

The post Dad lagu laayay Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this