Deeq A. Posted August 17, 2021 Lo’jir Madaxeyne loo doortay+Sooyaalkiisa Taariikheed Madaxweynaha la doortay ee Zambia, HH Waa markii u dambaysay ee uu nasiibku u hiiliyo Hakainde Hichilema oo kama dambaystii noqday madaxweynaha Zambia shan goor oo hore oo uu isku dayey oo aanu ku guulaysan ka dib. Hichilema wuxuu ka adkaaday ninkii uu la loolamayey oo ah madaxweynaha talada ka degaya Edgar Lungu oo uu kaga badiyey hal milyan iyo dheeraad cod. Laakiin su’aashu waa, waa kuma madaxweynaha cusubi? Muxuu se u guulaystay sannado badan ka dib? Hichilema oo 59 jir ah ayaa isku sheega inuu yahay “lo jir” raaci jiray xoolaha qoyskooda markii uu yaraa intaanu noqon ninka ugu hodansan Zambia. Madaxweynaha la doortay oo ah hogaamiyaha xisbiga United Party for National Development (UPND) waxa dadku badanaa u yaqaanaan HH. Wuxu ka dhashay qoys sabool ah ka dib waxa u suurto gashay inuu deeq waxbarasho ka helo Jaamacadda Zambia ka dibna wuxuu ka qalin jabiyey Jaamacadda Birmingham ee Ingiriiska oo uu ka qaatay shahaadada labaad ee MBA. Wuxuu ka shaqaystay ganacsiga maaliyadda, dhismaha, beeraha, adeega caafimaadka iyo dalxiiska. Wuxuu labada heer ee noloshiisa uu soo marayba ku soo jiidatay dadka codbixiyeyaasha ah. Wuxuu codbixiyeyaasha u sheegay in ay u baahan yihiin ganacsade tanaaday oo fahmaya sida dhaqaaluhu u shaqeeyo in uu hogaanka u qabto dalkaa macdanta copper-ka hodanka ku ah. Wuxuu sidoo kale adeegsaday sooyaalkiisa beeralaynimo si uu u soo jiito codadka beeralayda dalka isaga oo sheegay in uu Zambia ka dhigi doono dal gobolka quudiya. Laakiin waxa Hichilema iyo da’ yarta isku xidhay malaha guushiisana udub dhexaadka u ahaa waa sida uu ugu guulaystay nolosha. In ka badan todobada iyo badhka milyan ee codbixiyeyaasha Zambia ka diiwaan gashanaa waxay da’doodu ka yarayd 35 jir oo qiyaastii shantiiba midkood bilaa shaqo yahay. Xisbiga talada hayaa Patriotic Front (PF) wuxuu guusha ku hantay sannadkii 2011 balanqaad uu sameeyey oo ahaa “cashuur yar oo ka dhigan in dakhli badani dadka soo galo iyo shaqooyin badan”. Laakiin balantaas loogama *****n da’yar badan oo haatan iyaga oo malaayiin ah u weecday dhanka Hichilema. Qaababka uu kula xidhiidhay da’yarta waxa ka mid ahaa adeegsiga baraha bulshadu ku xidhiidho. Markani ma ahayn kolkii u horaysay ee uu Hichilema isku dayo inuu adeegsado Facebook iyo Twitter si uu ula xidhiidho codbixiyeyaasha laakiin doorkan guntiguu dhiisha iskaga dhigay. Sidoo kale wuxuu aqbalay inuu la qasto siyaasiyiinta. Sannadkii hore wuxuu baahiyey muuqaal cinwaan looga dhigay “waayaha laba aqoonyahan…..” kaas oo ku tilmaamay Hichilema ganacsade caqli badan oo masuul ah halka Lungu na uu ka dhigay qof lacagtiisa oo dhan ku bixiyay baararka iyo goobaha cawayska. “Labadaa kee caqli badan?” su’aashaas ayaa muuqaalku dadka weydiinayey. Hichilema wuu badanaa ka qayb galayey faalaynta qododobada bulshadu ku hadal hayso baraha bulshada ee aan siyaasadda ahayn gaar ahaan kubadda cagta, taas oo ahayd waxa si toosa ugu xidhayey codbixiyeyaasha. Wuxuu sidoo kale mararka qaar si kaftan ah uga toocsan jiray taageerayaasha kooxaha Manchester United iyo Arsenal marka kooxahooda laga badiyo. Wuxuu sidoo kale u hambalyeeyey ciyaartoyga reer Zambia ee fursadaha lacagta badan ka helay Yurub oo uu ka mid yahay Patson Daka, oo dhawaan ku biiray kooxda Leicester City iyo Fashion Sakala oo isna heshiis la galay kooxda haysata horyaalka Scotland ee Rangers. Wuxuu xataa ka falcelin jiray ciyaaraha saaxiibtinimo isaga oo isu muujinaya inuu xiise dhab ah u qabo xirfadooda. Lungu ayaa isku dayey inuu farsamadaas oo kale bilaabo laakiin dad badan ayaa u qaatay in ay tahay arin lagu dirqiyey. Hichilema wuxuu badanaa baraha bulshada u adeegsadaa erayo suuqdi ah sida erayga “bally” oo ah eray af-suuqdi ah oo loo adeegsado qof aabahaa oo kale ah. Hal qabsiga Twitter ee #BallyWillFixIt ayaa ka mid ahaa isku daygii uu kula qabsaday afka suuqdiga ee goobaha suuyqada iyo baararka dadka ka xoogsada ee aanu lahadlayn oo keliya ganacsatada lacagta leh. The tale of two professionals… pic.twitter.com/EytgRFQ4Au — Hakainde Hichilema (@HHichilema) September 23, 2020 Waxaad mooddaa in farsamadaasi shaqaysay. Kumanaan taageerayaasha Hichilema ah ayaa iskugu soo baxay dariiqyada Lusaka markii uu guulaystay iyaga oo ku dhawaaqayaya “let’s go Bally”. Hichilema wuxuu muujiyey dhabar adayg intii uu siyaasadda ku jiray. Shantii goor ee uu doorashada ku guul darraystay ka sokow, waxa kale oo uu had iyo goor dadka xusuusiyaa in la xidhay 15 toban goor intii uu siyaasadda ku jiray. Sannadkii 2016 waxa lagu eedeeyey khiyaamo qaran madaama oo uu baabuurta madaxweynaha wadada uga bixi waayey. Afar bilood ayuu ku jiray xabsi aad loo ilaaliyo markii dambe se eedaas waa la laalay. Khudbadiisii guusha, madaxweynaha la doortay Hichilema wuxuu ninkii xilka uga horeeyey u fidiyey gancan gacaltooyo. “Ha baqan, waxba xumaan maayaan, lagaa aargoosan maayo sunta dadka ka ilmaysiisana laguu adeegsan maayo” ayuu yidhi Hichilema oo badanaa dhaliili jiray waxa uu ku sheegay isku dayo lagu doonayey in lagu cabsi geliyo oo lagu aamusiiyo isaga oo hogaamiye mucaarada ah. Mar haduu ku guulaystay xafiiska dalka ugu sareeya, Hichelema wuu damaashaadayaa. Laakiin madaxweynaha cusub ee la doortay waxaa qasab ah inuu hawsha dhakhso ugu bilaabo dalka oo dhibaatooyin badani haystaan. Shaqo la’aanta badan ka sokow waxa kale oo aad u kordhayey sicirka machiishadda. Markii ugu horraysay tan iyo 1998 ayaa Zambia dhaqaalaheedu ragaaday sannadkii hore oo uu hoos u dhacay in ka badan 12 bilyan oo doolar. Waxay taasi ka dhigan tahay in xukuumaddu ugu yaraan 30% kharashka soo galaa yahay amaaho dulsaar saaran yahay oo ay soo qaadato sida ay sheegtay hay’adda qiimaynta deymaha ee S&P Global. Sannadkii hore Zambia waxay ka baaqsatay in ay bixiso dayn dulsaar lahayd taas oo ka dhigaysa dalkii ugu horeeyey ee Afrikaan ah ee amaah lagu leeyahay iska bixin kari waaya inta uu jiray safmarka korona. Waxa sidoo kale dalka haysta culaysyo uu iskaga bixin kari la’yahay deymo kale oo lagu leeyahay. Daafadda taageerada Hichilema hoos bay u dhici doontaa hadii uu si dhakhso ah wax uga qaban kari waayo dhibaatooyinkaas qaarkood. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites