Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay dhiggiisa waddanka Masar

Recommended Posts

Deeq A.   
1-22.jpg?resize=720%2C450&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiinta ku wehelinaya booqashada uu ku joogo dalka Masar ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya labada dal, iyo sidii loo kordhin lahaa deeqaha waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay dhiggiisa waddanka Masar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this