Sign in to follow this  
Deeq A.

Biden oo si weyn u difaacay go’aankii Ciidamada Maraykanka looga saaray Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha waddanka Maraykanka, Joe Biden ayaa si weyn u difaacay go’aankiisi ​​ahaa, in ciidamada Mareykanka laga saaro Afghanistan.

Madaxweyne Biden, ayaa iska diiday cambaarayn xooggan oo uu kala kulmay bixitaankii ciidamada Maraykanka, iyadoo ururka Daalibaan la wareegay talada dalkaas.

Anaga waligeen Afghanistan uma tagin inaan dhisno Qaranka Afghanistan ee danaheena ayaan ka fulisaneeynay” ayuu yiri madaxweyne Joe Biden

“Iyaga ayey ahayd inay dalkooda iyo qarankooda dhistaan. Yaan nagula eedeyn. 88 Bilyan ayan ciidankooda ku bixinay, waan u tababarnay. Waa kuwaan maanta isdhiibay” ayuu sii raaciyay.

Hadalka madaxweynaha Maraykanka ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii ururka Daalibaan qabsaday dalka Afghanistan.

PUNTLAND POST

The post Biden oo si weyn u difaacay go’aankii Ciidamada Maraykanka looga saaray Afghanistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this