Deeq A. Posted August 16, 2021 M/weyne-xigeenka Somaliland oo daahfuray Tababar Cusub Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland iyo machadka dawladdaha hoose ee Somaliland, oo kaashanaya Hay’addaha ka shaqeeya mashruuca JPLG, ayaa maanta daah-furay tababar la siinayey xubnaha goleyaasha deegaanka dalka ee dhawaan la doortay, kaas oo ka furmay Magaalada Hargeysa. Furitaankii Kulankan, ayaa waxa ka hadlay oo furay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale. Ujeedada Tababarka:- Tababarka Xildhibaanada Cusub ee Golayaasha Deegaanka 16th August – 3rd September 2021 Tababarkan oo si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeisa oo socon doona mudo afar cisho ah 16ka August – 3da September 2021 waxa kasoo qayb galay dhamaan xildhibaanada Cusub ee loo doortay golayaasha deegaanka dalka. Shirkan oo ujeedadiisu tahay: 1.Fahanka guud ee xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dib u habeynta lagu sameeyey xeer no. 23/2019. 2.Falanqanta fikirka maamul daadajinta iyo maamul wanaaga iyo xidhiidhka wadaaga ee kala dhaxeeya dawladaha hoose. 3.Qeexida nidaamka ay u shaqeeyaan dawladaha hoose, sida sharciyada iyo xidhiidhka kala dhaxeeya heerarka kala duwan ee dawlada. 4.Soo bandhigida doorka iyo masuuliyadaha golayaasha deegaanka, iyo maamulada degmooyinka oo ay ku jiraan gudiyada fulinta, shaqaalaha iyo waaxyaha. 5.Soo bandhigida ujeedada iyo hal-abuurka gudi hoosaadyada degmooyinka iyo arrimaha ay tahay inay qabtaan. 6.Hawlaha maaraynta maaliyadda, iyo sidoo kale qorshaynta, hawlaha maamulka iyo sharci dejinta. 7.Helista iyo La socoshada awoodaha dastuuriga ah ee Degmooyinku bixiyaan. 8.Fahanka guud ee maamul daadajinta qaranka iyo xulashada habka ay qaadatay dawlada somaliand. 9.Fahanka guud hawlaha u gaarka ka ah qaybaha maamul daadajinta degmooyinka iyadoo loo eegayo, qaab dhismeedka siyaasadaha iyo sharciyada jira. 10.Xusida baahida loo qabo isku xidhka iyo isku duwida shaqooyinka heerarka wasaaradaha degmooyinka iyo xafiisyada gobolada. 11.Qorshaynta hababka korjoogaynta, si loola socdo adeegyada ay bixiyaan degmooyinku. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites