Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta ku wajahan waddanka Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar ugu baxaya dalka Masar.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay, in Ra’iisal Wasaare Rooble uu casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha waddanka Masar, Cabdulfataax Alsiisi.

Rooble waxa safarkiisa ku wehelin doona xubno ka tirsan Golihiisa xukuumadda iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka SONNA.

Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo waddanka Masar, wuxu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxweyne Cabdulfataax Alsiisi iyo madaxda kale ee dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta ku wajahan waddanka Masar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this