Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Rooble oo ku guuleystay kursi Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Baydhabo waxaa maanta ka dhacday doorashada 3 kursi oo ka mid ah Aqalka sare, kuwaas oo ka harsanaa 8-da kursi ee Koonfur Galbeed ku matala Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

FB_IMG_16290359599313721.jpg?resize=720%Senator Xasan Xuseen Xaaji

Kursiga 1-aad waxaa ku guuleystay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo helay 74 cod, halka musharixii la tartamayay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 cod, waxaana xumaaday 3 cod.

FB_IMG_16290359403274208.jpg?resize=720%Senator Cali Sheekh Gacal

Kursiga 2-aad waxaa ku guuleystay Cali Sheekh Maxamuud Gacal oo helay 68 cod halka musharaxa la tartamayay Cabdiqaadir Cabdi Axmed uu helay 22 cod.

FB_IMG_16290359191396941.jpg?resize=720%Senator Cabdiweli Xaabsade

Kursiga ugu dambeeya 8-mudane Aqalka Sare ku matala Koonfur Galbeed waxaa ku guuleystey Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo helay 68 cod,  halka Musharixii la tartamey Cabdullahi Roobow Maxamed uu helay 18, waxaana xaaday 2 cod.

Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana kasii horreeyay Puntland oo hal maalin dhameyatirtay doorashada Aqalka Sare.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan Xukuumadda Rooble oo ku guuleystay kursi Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this