Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka gaashaandhigga oo loo doortay Senatar ka tirsan Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kusoo baxay doorasho lagu qabtay magaalada Baydhabo, isaga oo ku guuleystay kursi ka mid ah xubaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa la tartamay musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo uu kaga adkaaday doorasho ka dhacday gudaha magaalada Baydhabo.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa helay 74 cod, halka musharraxii la tartamayey uu isna helay 14 cod, sida uu shaaciyey guddoonka golaha wakiilada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Natiijada soo baxday ayaa marka le’eego ah mid lasii oogaa, isla-markaana xilkan horey loogu saadaalinayey wasiir Xasan Xuseen Xaaji oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa haatan sii soconeysa doorashada, iyada oo la guda galayo labada kursi ee kale ee ka harsan xubnaha Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya dhinaca Baydhabo.

Koonfur Galbeed ayaa horey usoo xushay shan Senatar, kadib doorasho dhowaan lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee dhameystira xubnaha Aqalka Sare, kadib Puntland oo dhammaan soo xushay 11-kii xubnood ee maamulkaasi.

The post Wasiirka gaashaandhigga oo loo doortay Senatar ka tirsan Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this