Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyme Farmaajo oo ka hadlay la dagaalanka musuq-maasuqa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayey Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo ka mid noqoshada Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ayaa tilmaamay in guddigani uu gundhig u yahay hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee Dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u asteeyey 14-ka bisha Ogoosto ee sannad kasta maalinta La dagaallanka Musuq-maasuqa ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in ay Soomaaliya ka mid noqoto Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, sida: Sharciga Heshiiska Midowga Afrika ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, Sharciga Heshiiska Jaamacadda Carabta ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo Sharciga Heshiiska Qarammada Midoobey ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa in ay waajibaadkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay waddaniyad iyo hufnaan.

Munaasabadda waxaa kale oo ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada Booliiska iyo Asluubta Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Guddiga Madax Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyme Farmaajo oo ka hadlay la dagaalanka musuq-maasuqa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this