Deeq A. Posted August 14, 2021 Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Cirka ee Maraykanka ayaa Madaarka magaalada Berbera todobaadkan ka soo degtay. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hawlgalka ay u timid diyaaraddan laakiin, Mareegta Wararka ee Somalilandchronicle oo arrintan wax ka qortay ayaa tebisay in ay u muuqato in Maraykanku kordhiyay danayntiisa Somaliland lagana yaabo in ay arrintani xidhiidh la leedahay xiisadda ka aloosan Itoobiya. Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaan wax jawaab ah ka bixin xidhiidho Somalilanchronicle arrintan kala samaysay Source Share this post Link to post Share on other sites