Sign in to follow this  
Deeq A.

Xidhiidhkii Kubbada Cagta Puntland Oo Is Wada Iscasilay Kadib Buuq Hadheeyay Tartankii Cayaaraha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Xidhiidhka kubbada cagta Puntland ayaa dhammaantood iska iscasilay xilkoodii kadib markii uu buuq iyo khilaaf hareeyeeyay tartankii kubbada cagta gobolada Puntland oo qarka u saarmay inuu fashilmo haatan.
Guddoomiyihii guddiga xidhiidhka kubbada cagta, Maxamed Cali Ciise (Ciiro) ayaa ku sheegay sababta ay isku casileen in ay tahay, kaddib markii wasaaradda isboortiga ay faro galin ku sameysay go’aanno guddiga kasoo saareen tartanka inta uu socday.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay wasaaraddu arrimo siyaasadeed iyo kuwa qabiil soo dhex galisay isboortigii, taasoo uu sheegay in ay kugo’aansadeen in ay faraha kala baxaan tartanka gabi ahaanba.

“Waxaan halkaan ka sheegaynaa in ay cayaarihii u istaageen markii ay wasaaradda isboortigu marin habaabin ku sameysay sharcigii u yaallay kubbada cagta,” ayuu yidhi guddoomiye Ciiro.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this