Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland oo la kala diray iyo go’aan laga soo saaray ciyaartii Nugaal iyo Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16289441509694488.jpg?resize=720%



Guddiga anshaxa ciyaaraha gobolada Puntland ayaa maanta go’aamiyey in lagu celiyo kulankii Nugaal iyo Sanaag ee muranku ka dhashay, waxayna sheegeen in labada kooxood midna khalad lahayn.

Guddiga oo soo saaray qoraal ayaa sidoo kale go’aamiyay in ciyaartoydii muranku ka dhashay ee Cabdirisaaq Cali Ciise Abgaalow oo Sanaag u ciyaara iyo Bile Maxamuud Diiriye oo Nugaal u safta ay qabaan mid hal Jaale.

Guddiga anshaxa ciyaaraha gobolada Puntland waxay soo jeediyeen in tallaabo laga qaado cidii sababtay in khalad ka dhaco ciyaartii Nugaal iyo Sanaag.

Dhanka kale Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka duulaysa tala soo jeedinta guddiga anshaxa ciyaaraha gobolada ayaa kala dirtay Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo maamulayay tartanka.

FB_IMG_16289437354155520.jpg?resize=720% FB_IMG_16289409348623274.jpg?resize=720% FB_IMG_16289409419965363.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland oo la kala diray iyo go’aan laga soo saaray ciyaartii Nugaal iyo Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this