Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta Shaqsiyeed ee Qofka madaxweyne ka noqon doona dawladda Islaamiga ah ee Afganistaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Taariikhda Qofka madaxweyne ka noqon doona dawladda Islaamiga ah ee Afganistaan

Afghanistan
Hebatullah Akhundzada

Hebatullah Akhundzada ayaa hoggaanka ururka Taalibaan ee Afgaanistaan la wareegay 26-kii May 2016, markaas oo golaha shuurada ee xaradaka ay xilkaasi u magacaabeen, si uu u badelo hogaamiyihii hore ee ururka ee Akhtar Maxamed Mansuur, kaas oo lagu dilay weerrar dhanka cirka ah oo ay 22-kii May 2016-kii soo qaadday dayuurad Ameerikaan ah.

Waxaa la sheegaa in Akhundzada uu la dagaallamay ciidammadii Midowga Soofiyeet iyo ciidammada isbahaysiga ee uu Mareykanku horkacayay ee ku sugan Afgaanistaan, waxa uuna madax ka soo noqday maxkamadda milateriga ee Kabul intii dalkaas uu xukumayay ninka Taalibaan aasaasay ee Mulla Cumar.

Inta uu hogaaminayay ururka Taalibaan, Akhundzada waxa uu ururkaasi heshiis nabadeed Mareykanka kula galay waddanka Qatar 29-kii bishii Febraayo ee 2020-ka, iyadoo Akhundzada uu heshiiskaasi ku tilmaamay “guul wayn” oo ururka u soo hooyatay.

Tan iyo kowdii May 2021 Taalibaan ayaa waxa ay sare u qaadday howlgalladeeda milateri ee ka dhanka ah xukuumadda waxaana ay qabsadeen deegaanno ballaaran oo ka tirsan Afgaanistaan.

Xogta shakhsiyadeed ee Hebatullah

Hebatullah waxa uu dhashay 19-kii Oktoobar sanadkii 1967, sida lagu sheegay taariikhdiisa lagu shaaciyay barta internetka ee rasmiga ah ee ururka Taalibaan. Waxa uu ku dhashay degmada Bajway ee gobolka Gandahaar, waxa uuna ka soo jeedaa qowmiyadda Bashtuuga.

Waxaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay xubnihii aasaasay xarakada Taalibaan waxaana kaaliye dhaw u ahaa aasaasaha urukaasi Mulah Maxamed Cumar.

Akhudnzada waxa uu ka qeybqaatay dagaalladii ka dhanka ahaa xukuumadda Afgaanistaan ee gacansaarka la laheyd Ruushka ee uu hogaamin jiray Maxamed Nuur Tarqi, taas oo xukunka la wareegtay bishii Abriil 1978-kii, sida lagu sheegay taariikhda rasmiga ah ee uu ururku shaaciyay. Ugu dambayntii waxa uu isaga baxsaday Afgaanistaan oo waxa uu galay Pakistan-ta dariska ah halkaas oo uu ku noolaa xero qaxooti oo ku taal xadka gobolka Balochistan.

 

Waxaa la sheegay in dabayaaqadii 80-yadii uu ka qeybqaatay dagaalkii ka dhanka ahaa ciidammada Ruushka, iyadoo “mujaahidiinta” uu inta uu dagaalka Soofiyeetka ee Afgaanistaan socday waxbari-jiray, sida ay Taalibaan sheegtay.

1996-dii, hogaamiyihii hore ee Taalibaan, Mullah Maxamed Cumar, ayaa waxa uu u magacaabay inuu hogaamiyo maxkamadda milateriga ee Kabul, si uu u fuliyo shareecada Islaamka halkaas oo uu ka ciyaaray dowr muhiim ah, sida ay Taalibaanku sheegeen.

القوات الحكومية تحاول التصدي لتقدم طالبان
Ciidammada xukuumadda oo isku dayaya inay iska caabbiyaan Taalibaan

Markii uu Mareykanka xoogga ku galay waddanka Afgaanistaan dabayaaqadii sanadkii 2001, Akhundzada waxa uu ka qeybgalay dagaalka isagoo weliba hogaamiye ah, mararka qaarka ciidammada isku dubaridi jiray si ay Mareykanka ula dagaalamaan iyo ciidammada kale ee isbahaysiga, sida ay Taalibaanku sheegeen.

30-kii July 2005-tii, Akhundzada waxaa loo magacaabay kuxigeenka hogaamiyaha cusub ee ururkaasi Mullah Akhtar Maxamed Mansuur, kaddib markii la xaqiijiyay inuu dhintay aasaasihii iyo hogaamiyihii ururkaasi Mullah Maxamed Cumar.

22-kii bishii May 2015 waxaa hogaamiyaha Taalibaan Mullah Akhtar Maxamed Mansuur lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fulisay diyaarad dagaal oo Ameerikaan ah, iyadoo weerrarku uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Quetta ee gobolka Balochistan ee koonfur galbeed waddanka Pakistan halkaas oo ku taal xadka Afgaanistaan.

Hoggaanka Taalibaan

25-kii May 2015 ayaa Taalibaan waxa ay xaqiijisay in hogaamiyahooda Mullah Akhtar Mansuur lagu dilay diyaarad Ameerikaanku uu leeyahay oo weerrar ku soo qaaday waxaana Akhundzada loo magacaabay inuu hogaamiyo ururkaasi.

طالبان

Afhayeenka ururka Dabiijullah Mujaahid ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku shaaciyay in hogaamiyaha cusub ee ururka lagu go’aamiyay kulan ay yeesheen “golaha shuurada” ee hogaamiyaha Taalibaan.

Shaacintii ugu waynayd waxaa la sameeyay 30-kii bishii July 2016 markaas oo la sheegay in heshiiskasta oo lala galo xukuumadda Afgaanistaan ay suuragelikarto haddii ay isaga harto xulafadeeda ajaanibta, waxaana qofkii bayaankaas shaacinayay uu yiri: “Taageeradiina iyo garabka aad u tihiin dadka soo duulay ayaa ka dhigan inaad ayiddeen wajiyo-xuntii taageeri jirtay Britain iyo Soofiyeetka. Taalibaan waxa ay haysaa barnaamij ay ku midaynayso dalka oo ay ugu hagayso shareecada Islaamka iyadoo “albaabada cafiska iyo dambidhaafka ay furan yihiin”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this