Sign in to follow this  
Deeq A.

Ceerigaabo Iyo Gaalkacayo Kala Nasiib Badan!.

Recommended Posts

Deeq A.   

(Gaabay Cali Ciiro (AHN) oo ahaa Siyaasi reer Ceerigaabo ah oo aragti fogaa ayaa iiga sheekayay markii Bintiland la dhisay inay Ergo ahaan ugu tegeen Coll Yuusuf Ahmed (AHN) oo markaa ugu Madax weynaa ( Maxamuud Saleebaanka- wuxuu ku yidhi( Warsangliyow Ceerigaabo dhinaciina Calanka Bintiland ka taaga oo dagaalama Gurmad fiican ayaad ka helaysaan Gobolada Mudug & Nugaal… hada ogow markaas ayaa Nabadii Ceerigaabo & Guud ahaan Sanaag la soo dhameeyay.

Odayaashii waxay Coll Yuusuf u sheegeen in aanay rabin in Ceerigaabo noqoto Sida Gaalkacayo oo Jinkeeda la saari-waayo 30-Sano! Balse ay Ceerigaabo qaadatay Nabad & wada-noolaasho kana qiima badan Calan dbibaatadiisa huwan.

Waxaan sheekadan u soo qaatay Reer ( Ceerigaabo dagaalama Gaalkacayo oo baxaysa ayaa idiin soo diraysa (Gurmad)!!

Gobalka Sanaag waxaa ku dhaqan oo Illahay ku beeray Beello badan oo aadse loo yaqaano afar beelood oo kala ah ( Habar yoonis, East Burco Clan,Dhulbahanteiyo East Sanaag Clan)

Intaan Sanaag noqon gobal waxay ahayd district Cerigaabo, juqraafi ahaana wuxuu ka bilaabmaa dhinaca galbeed Cadaad kulaaleed ilaa bari waylo oo magaalada Qardho u jirta 25km waana xadkii mustacmaradihii Ingriiska iyo Talyaaniga, qiyaasta dhulka uu ku fadhiyo waxaa lagu qiyaasa saddex meelood meel ahaan dhulwaynaha Soomaaliland (1/3).

Dhulka intaa le’eg magaallada ugu wayni waa Ceerigaaabo oo ah magaalo madaxda gobalka taas oo ahayd meeshii uu fadhiyi jiray DC ingriiska ee xukumi jiray degmadaas , magaaladaas ayuun bay beelaha ku dhaqan gobalku wada degaan taas oo cid waliba degan tahay oo aad u kortay , gobalka intiisa kale waa magaalooyin yaryar iyo tuulooyin ay degan yihiin reer keliya oo u sii kala baxa ardaayo iyo tuulooyin. hadaba waxaa maamul dawli ahi ka samaysmi karaa meesha la wada degan yahay kaas oo astaan maamul u noqan kara gobalka kana sii fidi kara markuu hana qaado.

Maanta Ceerigaaabo waa la wada degan yahay mahad Alle weeye, wixii dumay dib ayaa loo dhisay, dhismayaal cusubina waa laga dhisay wayna dhismaysaa waxay leedahay baahidii nolasha intii u muhiinsanayd xagga horumarka casriga ah sida biyo,laydh, telifoon ,internet . Waxaa ka furan Isbitaal, dugsiyo hoose, dhexe iyo sare waxaa taga diyaaraddo ganacsigu waa isu furan yahay bari iyo galbeed. Waxaa jooga macalimiin iyo hayaddo samafal oo ajanebi ah.

Hadaba xaaladu sidaas may ahayn mudo hadda laga jooga 10 sano gushaas waxay ku timi dadaal qunyar socod ah oo ay iska kaashadeen kana wada qayb galeen Guurtidda, Aqoonyahanka, & Haweenka beelaha wada degan gobalkaas iyadoo aanay cidna dibada uga iman. Waxaa xusid mudan halhays ah Rooma maalin qudha laguma dhisin sidaa darted wafti xukuumadda ah oo maalmo ku qayila wiilalna qaad u qaada ka weyn Xaajadu.

               Mudug.

Magalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug waa Magaalo koraysay mudo badan hase ahaatee ay ragaadiyeen Colaado Beelo ehel ah oo wada degen, taasi waxay meesha ka saartay inay burburaan oo dhaqan gali-waayaan dhamaan hashiisyadii la galay Dagaalkii dhowr & Sagaashankii ka dib.

Hadii aad raadiso arki maysid hal qoraal oo laga sameeyay (Nabadayntii Gaalkacayo) Waa sababta reer Bintiland u buun buuninayaan hadalka Wasiirka oo tusaya reer Somaliland in laga hashiiyay wixii dhacay.

           Wasiir Mustafe!

Anigu lama Yaabin Wasiir Mustafe Godane, Ceebna kuma uusan hadlin- Wixii Woqooyi ka dhacay & Dirirtii Beelaha kala irdhowgii Gobolada waa laga hashiiyay oo Qoraalo& nuxurba waa laga soo saaray sida uu daabacay Prof Gees Isaaqa laftiisa ayaa birta iska aslay waxana ay soo qaadeen (Xalay dhalay)

Qolada ilmadeertay ee isoowacaysa waxaan leeyahay Sababta Gaalkacayo 21 century u degi weyday oo weli Colaado uga Baxayso waxa Weeye (Is cafis la”aanta & Kalsoonidii uu luntay.

             Badhan.

Reer Sanaag waxaan leeyahay Gaar ahaan (Maakhiryiinta Mustafe Maaha dhagax Cirka ka soo dhacay! Wasiir Ciise Xawar & Oday Cadami labaduba wey joogeen Golaha in kastoo cadami uu ahaa Oday weyn oo yaqaan Meesha uu geediga ku furayo Mustafena intaas & badan baa laga sugayaa isku wadkii & Nabadyantii Aabihii Godane Cali Bile (AHN)

Anigu waxaan leeyahay Mustafe inuu Ambado ugama maqayo qof kalese yeelkadii…..

Jama A Feyte
Texas

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this