Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo Muqdisho Ku Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaliya mudane Cabdullahi Abyan Nuur ayaa hada ku geeriyooday Isbitaal Martini ee Magaalada Muqdisho.
Allaah u naxariisto gudoomiyaha ayaa la sheegay in uu muddooyinkii la soo dhaafay la xanuun sanaa safmareenka Covid-19.
Hadaba Waa Kuma Cabdullahi Abyan Nuur
Prof. Cabdulaahi Abyan Nuur wuxuu ku dhashay Degmada Jamaame gobolka Jubbada Hoose 1955.
  • waxbarashadiisa hoose dhexe iyo sare wuxuu kusoo qaatay iskuulka sheekh suufi 1980.
  • . Jaamacada ummada ayuu ka baxay 1988
  • 1976 ilaa 1988 Wuxuu kasoo shaqeeyay tifaftiraha Joornaalkii Xidigta Oktoobar
  • 1988 ilaa 1990 macalin luuqada Carabiga dugsi sare ee Qunsuliyada Yemen ee Muqdisho
  •  1988 illaa 1990 tifaftiraha Raadiyaha iyo Tvga qaranka qeybta Carabiga
  •  1991 illaa 1992 shaqo khaas ah
  •  1992 -1994 macalin luuqada Carabiga iyo Xisaabaadka Iskuulka Abuu xaniifa (ex Waaberi Cusub)
  •  1994-2008 maamulaha Iskuulka Wadajir ee magaalada Muqdisho.
  •  2009-2012 xubin baarlamaanka Xukuumadii kumeelgaarka ahayd.
  •  010-2011 wasiirka cadaalada awqaafta iyo arrimaha diinta
  • 2012-2016 xubin baarlamaanka jamhuuriyada federalka Soomaaliya
  • 2012 wasiirka Cadaalada, arrimaha diinta, Dastuurka, federalka iyo Dib-uheshiisiinta
  •  2014 xubin guddi hoosaadka baarlamaanka ee cadaalada awqaafta iyo arrimaha diinta isagoo ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga.
  •  2020 xubin Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada ahaana Guddoomiyihii Guddiga.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this