Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii guddiga khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16288807041619549.jpg?resize=720%Marxuum, Cabdullaahi Abyan Nuur

Guddoomiyihii guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka dabban ee heer federaal Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa goordhaweyd ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa la xaqiijiyay in uu u geeriyooday cudurka Covid-19 oo maalmihii la soo dhaafay uu la xanuunsanaa, wuxuuna ku jiray Isbitaalka Martiini oo uu caawa ku geeriyooday.

Marxuum, Cabdullahi Abyan Nuur waxa uu ku dhashay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose 18kii Maarso 1955. Wuxuu 1976 ilaa 1990 kasoo shaqeeyay Wargeyskii Xidigta Oktoobar iyo Radio Muqdisho, keddibna wuxuu intii burburkii lagu jiray kaalin mug leh ka qaatay nabadeynta iyo dib u soo celinta adeegyada waxbarashada.

Marxuum oo dowladihii dalka soo maray ka soo noqday Wasiir iyo Xildhibaan ayaa guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka dadban ee heer federaal loo doortay 6-dii July 2021.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihii guddiga khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this