Deeq A. Posted August 13, 2021 Kufsigu waa nooc ka mid ah galmada oo inta badan loo adeegsado awood iyada oo aan oggolaansho laga haysan qofka lagu samaynayo falakan. Falkan waxaa laga yaabaa in lagu fuliyo Xoog jidheed, Qasbid, ku Takri fal Awoodeed, taas oo ka dhan ah qof aan awood u lahayn inuu bixiyo oggolaansho sax ah, sida Qof Miyir beelay (mid waalan), Qof naafo ah, Qof baahan oo doonaya wuxuu q ama shaqo uu ka shaqeeyo, qof awood loo adeegsado oo ay koox ama qof qabteen, ama qof ka hooseeya da’da sharciga ee oggolaanshaha. Ereyga kufsiga ayaa mararka qaarkood loo adeegsadaa ereyga faraxumaynta galmada Qeexitaanka guud ee faraxumaynta galmada ama xadgudubka aan habboonayn waa ficil xadgudub jidheed, maskaxeed iyo sharafeed oo ah qaab fal xoog ah oo galmo, taasoo loo gaystay qof oggolaansho la’aan. Dhammaan kiisaska faraxumaynta galmada kuma lug laha rabshad, waxay keenaan dhaawac jidheed ama waxay reebaan calaamado muuqda. Ku -xadgudubka galmadu wuxuu sababi karaan dhib aad u daran, waxyeelo sharafeed iyo dhaawacyo aan la arki karin kuwaas oo dhammaantood qaadan kara waqti dheer in laga soo kabto islamarkaana aad ku soo naqoto nolosha caadiga ee bulshadaada. Kiisaska kufsiga ee dhulalka Soomalida ka dhacaa waxaa 99% (boqolkiiba sagaal iyo sagaashan) waxaa uu falkaasi lagu sameeyaa Dhediga (Haweenka) iyada oo ay ku sameeyaan Labku (Raggu) madaama ay dadka Somalidu u badanyihiin dad islaam ah islamarkaana dhaqankoodii soo jireenka ahaa iyo Diinta islaamku ay aad isku matalaan dumarka Soomalidu maaha qaar aad ugu dheeraya dhanka galmada ama daydayga arrimaha jinsiga iyadoo sababta ugu weynina ay tahay xishoodka uu Ilahay ku manaystay isla markaana waalidkuna ku tarbiyadeeyay, dhawarsanoontoodaas, xishoodkoodaas iyo ka taxadiristooda falkaas ayaa ah sababta ugu weyn ee ay Raggu ugu gaystaan kufsiga madaama ay iyagu yihiin kuwo ka baahi badan dumarka xagga Galmada, wali laguma hayo ama lama arag dhulalka ay Somaalidu dagto Kiis Kufsi la leeyahay Qof ama Koox Dumar ah ayaa u gaystay Ninkaas Hebel oo la garanayo taas ayaana kuu cadaynaysa inay Dumarka Soomalidu ay yihiin dhibanayaasha loo gaysto Kufsiga. Dumarka Somaalidu Kufsiga loo gaystay 90% (boqolkiiba sagaashan) ma helaan cadaalad u dhiganta fal danbiyeed loo gaystay kaas oo waxyeeleeyay Mustaqbalkeedii, Jidhkeedii iyo Sharafteedii ay bulshada ku dhex joogtay oo wax lagu xaliyaa dhaqan soo jireen iyo kiisas hore oo dhexmaray labada reer ee ay ka soo kala jeedaan Ninka iyo Gabdha kufsiga loo gaystay taas oo 90% (boqolkiiba sagaashan) cadaalada daro ku dhamaata iyo xaq duudsiin loo gaysanyo qoftaa dumar ah ee dhibaatada loo gaystay. Qoftaa dumar ah ee dhibaatada loo gaystay inay 90% (boqolkiiba sagaashan) Cadaalad daro la kulanto waxaa sabab u ah inaan Dawaladaha iyo Baarlamaanada ka jira dhulalka Somalidu ay hindisi kari la’yihiin ama soo saari kari wayeen xeer ciqaabeed taabacsan diinteen islaamka oo aan ahayn xeerkii Kufsiga ee ay soo qoreen Hayaadaha faafiya dhaqanka reer galbeedka iyo gaalada kuwaas oo soo dhexmaraya Ururo wadniya oo calooshood ushaqaystayaal ah kuwaas oo qaarkood ay maalgalin ku soo qataan in dhalinyarada Somaliland diinta islaamka laga saaro oo la Galeeyo. Ururadaa aynu soo sheegnay ayaa lacago ay ka soo qadeen hayadahaa maalgaliya u qaybiyay Golahii hore Wakiilada Somaliland si ay ugu ansixiyaan xeerkan sida tooska ah uga hor imanayay dhaqankeena suuban ee ay inoo jidaysay diinteena islaamku kaas oo ay u ansixiyeen madaama uu golaha muddo hor yaalay kadibna jawaabtii bulshada labeenteeda iyo waxgardkeeda ka soo noqotay uu sababay in la joojiyo xeerkaas ku dhaqankiisa. Iyadoo aanay jirin xeer ciqaabeed falakan lagag hortago kaas oo imika bulshadeen aad ugu soo badanaya ciqaabta ugu badan ee loo adeegsadaanaa ay tahay xeer iyo dhaqan soo jireen oo cadaalada ka fog si bulshada iyo dadka wax magartada ah loo majaro habaabiyo ayaa waxaa maalmahan danbe warbaahinta iyo baraha bulshada lagu arkayay dad aad is odhanayso waxay mashaariico ka soo qaateen hayadihii dhaqanka gaalada faafinayay kuwaas oo bulshada u soo gudbinaya fariimo khaladan oo ay ku sheegayaan kufsi si ay u dimiyaan qoysas islaam ah oo dhisan fariimaas waxaa ka mid ah, Qofta Dumar Ah Haddii Uu Ninkeedu Qasbo Inay Tahay Kufsi qodobkani horta waxaa ka mid ah xeerkii kufsiga ee la laalay lakiin dadka imika doonaya inay bulshada ku wacyi galiyaan waa kuwo ka fog diinta islaamka iyo ku dhaqankeeda waayo gabdhu iyadoo bilaa cudur daar ah hadii ay ninkeed xalaasha ah ay u diido inay galmo usamayso waxaa habeenkaas oo dhan nacdala malaiigta sida uu inoogu sheegay xadiis Nabi Maxamed NNKHH عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: إذا دعا الرجل امرأته إلى فراشه فأبت فبات غضبان عليها لعنتها الملائكة حتى تصبح. صحيح بخاري. Waxa laga soo wariyey nabiga (NNKHA) inuu yidhi; haddii ninku uu gabadhiisa ugu yeedho furaashka (yacni ka dalbado galmo) oo ay ka diiddo (cudur-daar la’aan), kadibna uu ka cadhoodo diidmadaa, malaa’igta ayaa gabadhaasi nacdalaysa ilaa inta waagu ka baryayo. Xadiisku waa saxeex (bukhaari) Madaama ay xaaskiisa nacdali ku socoto habeenkaas oo dhan si uu uga badbaadiyo nacdashaas inuu xoogo oo uu qasab ugu galmoodo wax dhibaato ahi kuma jiro mana ah kufsi ee wuxuu ka badbaadiyay dhibaato weyn oo ku dhici lahayd. WABILAAHI TAWFIIQ W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine Qaran News Share this post Link to post Share on other sites