Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Askarta Mareykanku u ooyeen markii la deldelaayay Madaxweynihii hore ee Ciraaq?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxay Askarta Mareykanku u ooyeen markii la deldelaayay Madaxweynihii hore ee Ciraaq?

.

12 askari oo Mareykanka ah – oo loo diray in ay waardiyeeyaan Saadaam Xuseen – ayaa lagu tilmaamay in ay ahaayeen saaxiibbadii ugu dambeeyay ee uu yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq.

Waxay ahaayeen askar laga soo xushay ciidamada booliska ee ay tiradoodu ahayd 551 askari, kuwaasoo qaabilsanaa amniga Saadaam ilaa intii laga dilayay.

Waxaa lagu naaneysayay “12-ka askari ee heerka sare ah”.

Mid ka mid ah askartaas, oo lagu magacaabo Will Bardenwerper, ayaa qoray buug uu u bixiyay ‘Maxbuus ku jira qasrigiisa, ilaaladiisa Mareykanka ah iyo taariikhda uu ka tagay’.

Waxa uu buuggaas ku sheegay arrimo ku saabsan xiriirkii wadashaqeynta ee dhex maray Saadaam Xuseen iyo ilaaladiisii Mareykanka ahaayeen. Waxaa kale oo uu ku sharraxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha Saadaam.

Bardenwerper wuxuu qiray in markii uu Saadaam ku wareejinayay dadkii daldali lahaa ay askarta ilaaladiisa ah wada ilmeynayeen.

‘Saadaam waxa uu noola muuqday awowgeen’

Will Bardenwerper waxa uu ka mid ahaa 12-kii askari ee ilaalineysay Saadaam Xuseen
Will Bardenwerper waxa uu ka mid ahaa 12-kii askari ee ilaalineysay Saadaam Xuseen

Bardenwerper waxa uu buuggiisa kusoo xigtay mid ka mid ah askartii ay howsha ilaalada Saadaam isla hayeen, oo lagu magacaabo Adam Rogerson, kaasoo yidhi: “Waligeen Saadaam ma uusan noola muuqanin nin dilaa ah. Wuxuu nala ahaa awowgeen oo kale”.

Saadaam waxaa loo maxkamadeynayay inuu bixiyay amar lagu dilay 148 qof oo ka mid ahaa dadkii maamulkiisa kasoo horjeeday.

Saddam Hussein

Maalmihii ugu dambeeyay noloshiisa waxa uu xabsiga Ciraaq ku yaallay ku dhageysanayay heeso ay leedahay fannaanadda reer Mareykan ee lagu magacaabo Mary J. Blige, sida lagu sheegay buuggaas.

Waxa uu jeclaa inuu aad u isticmaalo baaskiilkiisa jimicsiga, kaasoo uu ugu yeeri jiray ‘Pony’.

Macmacaanka ayuu aad u xiiseyn jiray, mar walbana agtiisa lagama waayi jirin doolshada nooceeda yar yar. Cuntada ayuu si aad ah uga taxaddari jiray Saadaam, sida uu buuggiisa ku sheegay Bardenwerper.

Wuxuu daneyn jiray ukunta la dubay iyo miraha kala duwan ee khudaarta.

Sigaarka ayuu isticmaali jiray, isagoo sheegay in markii ugu horreysay uu ka bartay Fidel Castro, oo ahaa madaxweynihii hore ee Cuba.

Fidel Castro iyo Saadaam Xuseen
Fidel Castro iyo Saadaam Xuseen

Bardenwerper waxa uu qoray in Saadaam uu maalmihiisii ugu dambeeyay si akhlaaq wanaagsan leh ula dhaqmayay askarta ilaalineysay, uuna iska baddalay dabeecaddii xukunkiisa ee aadka u adkeyd.

Askarigan waxa uu xasuustaa in mar uu Mr Saadaam uga sheekeeyay wax uu ku sheegay ficilladii arxan darrada ahaa ee uu sameyn jiray wiilkiisa Cuday, taasoo isaga uu dhibsan jiray.

Waxa uu u sheegay in Cuday uu rasaas ku furay dad badan oo joogay xaflad, halkaasoo ay qaar ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen.

Saadaam aad buu u carooday wuxuuna amar ku bixiyay in baabuurtii uu Cuday lahaa oo dhan dab la qabadsiiyo.

“Isaga qudhiisa wuu qoslay marka uu noo sheegayay sida uu gacantiisa ugu gubay gawaari aad qaali u ahaa oo uu iska lahaa wiilkiisa Cuday, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Rolls-Royce, Ferrari iyo Porsche”.

Askari Mareykan ahaa oo ku jiray dadkii ilaalinayay Saadaam ayaa mar u sheegay in uu dhintay walaalkiisa, kaddibna intuu qoslay Saadaam ayuu ku yiri, ;maanta laga bilaabo aniga iga dhigo walaal’.

Saddam Hussein

Saadaam waxa uu askari kale u sheegay in haddii loo oggolaan lahaa inuu lacagtiisa isticmaalo uu askarigaas wiilkiisa uga bixin lahaa kharashka iskuulka.

Saaxiibtinnimada Saadaam iyo askarta ilaalineysay sidaas ayay usii weynaaneysay marba marka kasii dambeysa, sida uu sheegay Bardenwerper.

Inta aan la daldalin ka hor waxa uu maray labo xabsi oo ku taallay Ciraaq.

Aaskariga lagu magacaabo Adam Rogerson ayaa u sheegay Bardenwerper in Saadaam uu ka maqlay isagoo sheegaya inuu xaas cusub guursan doono marka xabsiga laga sii daayo.

 

Askari wada sawirka Saadaam
Askari wada sawirka Saadaam

30-kii bishii December, 2006-dii, Saadaam Xuseen waxaa hurdada laga soo kiciyay habeen ay saacaddu ahayd 9:00 p.m.

Waxaa loo sheegay in mar dhow la daldali doono. Markii uu farriintaas helay, si tartiib ah ayuu usoo qabeystay waxa uuna isku diyaariyay dilka.

Waxa uu ka cabsi qabay in “12-kii askari ee waardiyeynayay ay hurdayeen”.

Daqiiqado ka hor inta aan la dilin, Saadaam waxa uu wacay Steve Hutchinson waxa uuna gacanta ka saaray saacaddiisa oo nooceedu ahaa “Raymond Weil”.

Hutchinson wuu diiday in uu saacadda qaato laakiin Saadaam ayaa ku khasbay. Ilaa maanta, saacaddaas waxay iyadoo shaqeyneysa taallaa guriga Hutchinson uu ku leeyahay gobolka Georgia ee dalka Mareykanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this