Sign in to follow this  
Jacaylbaro

THE FIRST GRADUATES OF SHEIKH TECHNICAL VETERINARY SCHOOL

Recommended Posts

SDWO (Sheikh 10/09/07) Munaasibad aad u balaadhan ayaa shalay lagu qabtay isla machadka SHEIKH TECHNICAL VETERINARY SCHOOL ka dib markii dufcadii u horaysay ay ka qalinjebiyeen dugsigan. Dufcadan qalinjebisay oo ka kooban lix iyo toban arday bartayna cilmiga caafimadka xoolaha, ayaa la gudoon siiyey shahaado ah Diploma oo ay wadeen muddo sedex sanno ah.

 

Ugu horayntii waxaa munisibadaas ka hadlay Madaxa Hay’adda mashruuca fulisay ee Terra Nouva Cipren Biao oo kalmado soo dhawayn iyo mahadnaq ah u jeediyey dhammaan marti sharaftii meesha timid iyo dhammaan cidkasta oo gacan ka gaysatay hirgilinta mashrucan wuxuuna hambalyo gaara u diray ardayda qalinjabisay.

 

 

Intaa ka dib waxaa microphoneka lagu soo dhaweeyey Badhasaabka Gobolka Saaxil, Mohamed Abdillaahi oo sheegay in aanu hadli karaynba farxad darteed isla markaana erayo soo dhawayn ah u jeediyey dhamaan madaxdii Dawladda iyo Hay’adihi fuliyey iyo cid wal oo cawisay mashrucan iyo dhammaan marti sharaftii ka soo qayb gashay qalinjabintan isagoo sheegay in dadbani shaki ka qabeen in aanu iskuulkanii shaqayn karayn duruufo badan oo ku xeernaa darteed, waxuu sheegay in uu ka xunyahay ardayda maanta qalinjabisay oo aan hablo ku jirin amaba aany ka dhex muuqan isagoo sheegay in qolyaha danbe ee dhawaan la qaatay ay jiraan qaar kale oo baddan ay insha allaah iman doonaan wuxuu yidhi waxaan rajaynayaa in aynu heli doono Xoolo Caafimaad qaba.

 

 

Wasiirka Xananada Xolaha mudane Idiris Ibraahim Abdi ayaa hadalkiisa ku bilabay “ aad baan ugu faraxsanahay in aan kaso qaybgalo Xafladan qalinjabintan loodkii u horeyey, waxa marka hore xusid mudan in aan u mahadceliyo dhammaan Hay’adii fulisay mashrucan Terra Nuova iyo cid wal oo ka qaby qadatay. waxaan ka xumahay in aan habo ka muuqan ardayda manta qalin jabisay, waxaan ku aad ugu faraxsanahay in arday yar yar oo Cilmigan baratay manta soo baxaan waayo dalka ma jiraan cid anaga naga danbaysay oo Cilmigan baratay haddaad eegto Wasaaradayda manta nin aad Cirro lahayni ma jiro waxaanan u sidaa ardayda bishaaro ah in aan intooda badan shaqalayn doono waxaa kale oo jira deeq waxbarasho (Scholarship) aanu ka helnay qaar ka mid ah wadamada jaarka ah inta badan waxaan siin doona ardaydan manta qalinjabisay .

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID mudane Faysal Ali Warabe oo isagana halkaa ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu kaso qaybgalo xafladan qalinjabinta dufcadii u horaysay ee macadkan, wuxuu u mahad celiyey dhammaan Hay’adihii maal galiyey iyo kuwii fuliyeyba mashrucan wuxuu hambalyeyay Wasiirka Xananada Xolaha oo uu shegay in uu yahay wasiirkii u horeeyey ee bishaaro sheega waxuna intaa ku daray waxaan rajaynaynaa in Madaxwaynaha iyo ku-xigeenkiisuna ku dayan doonaa wuxuu sheegay in uu xaflado badan oo qalin jabin ah ka qaybgalay taasina ay tahay ayuu yidhi Dawladnimadii oo aanu la soo noqonay xorna noqonay wuxuu ardayda ku dardaaray in ay cilmiga sii wataan umadana uga faa’iideyan wuuna ku hambalyey dedalka ay sameyeen.

 

Ugu danbayntii waxaa Shahaadoyinkii la gudoonsiiyey 16 lix iyo tobankii arday ee dhamaystay Cilimigan caafimadka Xolaha oo farxad badani ka muuqatay wajigooga, waxaa halkaa ka hadlay mid ka midda ardaydii qalinjabisay oo u mahad naqay marti sharafta kala soo qayb gashay xafladan, ardayda ka danbaysana dardaaran u diray in ay dedaalka halkaa kasii wadaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this